Trump Miyuu “liidaa” Haweenka Marka Uu Ka Hadlayo?

0
516

Iyadoo tiro haween ah ay doorashada madaxtinnimada ee sanadka 2020-ka kula tartamayaan madaxweyne Donald Trump, ayaa madaxweynuhu wuxuu si adag uga hadlaa dadka ay siyaasadda isku hayaan. Balse weerarradiisa miyay yihiin kuwo ka duwan marka uu haweenka ka hadlayo?

Wareysi lala yeeshay, ayuu Mr Trump mar uu ka hadlayay diblomaasiyad Marie Yovanovitch, oo ah safiirikii hore ee Mareykanka u fadhisay Ukraine, uusan ugu yeerin magaceeda balse wuxuu adeegsaday erayga “haweeneyda”.

Ms Yovanovitch, oo uu Mr Trump shaqada ka eryay bishii May, ayaa caddeymo ka bixisay wejigii ugu horreeyay ee dhegeysiga xil ka qaadista madaxweynaha 15-kii bishan. Waxay xildhibaannada u sheegtay in olole lagu qaaday xilka looga qaaday.

Mar uu sababeynayay go`aankii uu diblomaasiyadda xilka uga qaaday, ayaa madaxweynuhu wuxuu sheegay in “waxyaabo xun” looga sheegay “diblomaasiyadda, haweeneyda”.

“Tani ma aysan ahayn malaa`ik, haweeneydan, haaheey? Waxaana jira waxyaabo badan oo ay sameysay kuwaasoo aniga aanan jecleysan.”

Mr Trump ayaa intaas ku daray in shaqaalihiisu ay garteen inay naxariis u muujiyaan sababtoo ahna “waa dumar – waa inaan wanaag u muujinnaa.”

Bare jaamacadeed Marianne LaFrance, oo cilmu-nafsiga ka dhigtay Jaamacadda Yale, ayaa sheegtay in hadallada madaxweynaha ay tusaale u yihiin hadallada cunsiriyadda jimsiyadeed ku saleysan.

“Taasi waxaa micnaheedu yahay inaysan ahayn shakhsi, inaysan ahayn qof xirfad yaqaan ah, balse koleyba ay tahay haweeney,” ayay tiri LaFrance.

“Mid ka mid ah waxyaabaha xiisaha leh marka laga hadlayo haweenka waa in lagu sifeeyaa inay haween yihiin. Ragga ayay sheegtay in caadi ahaan aanan loo nisbeynin inay la yihiin”.

“Balse way nala fududdahay inaan qofka marka horeba ku qeexno inay haweeney tahay. Ma dhahno siyaasiyad ee waxaan dhahnaa haweeneyda siyaasiyadda ah. Balse aalaaba ma dhahno ninka siyaasiga ah.”

Weerarrada Trump ee taariikhda galay

Xitaa inta uusan madaxweyne noqon, Mr Trump ayaa taariikh u lahaa in hadallo “qadaf” ah uu ku dhoho haweenka.

Debbie Walsh, oo agaasime ka ah Xarunta Haweenka Mareykanka iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Rutger, ayaa sheegtay in hadalladiisu ay yihiin kuwo taxane ah.

“Waxyaabihii uu ka sheegay Hillary Clinton, Carly Fiorina, Elizabeth Warren, Heidi Cruz – tiro malaha – wuxuu haweenka caanka ah iyo kuwa awoodda leh uga hadlaa qaab liidnimo ah.”

Jimcihii, Mr Trump ayaa Fox & Friends u sheegay in la taliyihiisa Kellyanne Conway ay tahay qof fiican, balse “laga yaabo inay wax ku sameysay” ninkeeda, George, oo ay Trump is hayaan.

“Waxyaabo xun ayay ku sameysay ninkeeda sababtoo ah ninkaas waa mid waalan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Presentational white space

Ms Walsh ayaa sidoo kale sheegtay in haweenka ka agdhow Mr Trump “ay leeyihiin qaab haweennimo ay ka muuqato”.

President Donald Trump and Ivanka Trump are greeted by Texas Lt. Governor Dan Patrick and Attorney General Ken Paxton

Ivanka Trump, tusaale ahaan, waa haweeney ganacsato ah oo guul gaartay, balse weli waxaa ka muuqata dumarnimo “marka ay la joogto ragga awoodda badan”.

Presentational grey line

Qaar ka mid ah hadalladii uu hore Trump uga sheegay haweenka:

  • Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Hillary Clinton: “Qaab ma laha. iskama warqabto, waxaan iri iskama warqabto.”
  • Musharraxii hore ee madaxtinnimada ee xisbiga Jamhuuriga Carly Fiorina: “Eeg wejigaas! Ma qof u codeyn lahaa baa jira? Bal ka feker, wejiga madaxweynaheenna xiga?”
  • Senator Elizabeth Warren: “Doqomad Elizabeth Warren, mid ka mid ah senatarrada ugu liita ee Mareykanka, af xun ayay leedahay.”
  • Weriye Megyn Kelly: “Waxaa la arki karay dhiigga ka imaanaya indhaheeda. Meel walba dhiig baa ka imaanayay.”
  • Haweeneydii tacaddiga galmada ku eedeysay E Jean Carroll: “Ugu horreyn, iyadu maaha dookheyga. Marka labaad, waxaasi ma dhicin. Weligeed ma dhicin, ma fahantay?”
  • Rosie O’Donnell: “Waa caajisley. Sidee ayay telefishinka uga shaqeysaa? haddii aan maamule ka ahaan lahaa The View, waan ceyrin lahaa Rosie. Waxaan ka eegi lahaa wejigaas foosha xun ee cayilan waxaana ku oran lahaa, ‘Rosie, shaqada waan kaa ceyriyay.'”
  • Ivanka Trump: “Jir fiican bay leedahay. Waxaan iri haddii Ivanka aysan gabadheyda ahaan lahayn dabcan waan shukaansan lahaa.”
  • Kaaliyihii hore ee Aqalka Cad Omarosa Newman: “Marka qof waalan, oo aan kalsooni isku qabin aad shaqo ka siiso Aqalka Cad, waxaan u maleynayaa taasi ma aysan shaqeyn.”
Presentational white space
Presentational grey line

Haweenka u dhow Trump?

Inkastoo ay jirto qaabka uu Trump uga hadlo haweenka, haddana xaq maaha in la yiraahdo haweenka awoodda leh wuu ka saaraa dowladdiisa.

Marka laga reebo Ivanka, oo la taliye ka ah Aqalka Cad, kana mid ah xubnaha ugu awoodda badan maamulka, waxaa kaloo jira haweenka kala ah Ms Conway iyo Stephanie Grisham.

Marka Trump lagu qabsado qaabka uu haweenka uga hadlo, wuxuu sheegaa inuu shirkadihiisa shaqo ka siiyay haween. “Waan jeclahay haweenka,” ayuu yiraahdaa.

An attendee holds up a sign in support of Republican presidential nominee Donald Trump that reads "Women For Trump" during the election night event in 2016

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here