Faafaahin Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaysa Weerar Lagu Qaaday Bas Ku Sii Jeeday Mandera

0
355

Dhowr qof ayaa lagu dilay bariga dalka Kenya ka dib markii koox mintidiin islaamiyiin ah ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaari Bas ah oo halkaasi marayay.

Goobjoogayaal ayaa BBC u sheegay in dagaalyahanno hubaysan ay weerareen gaariga Baska oo ku sii jeeday degmada Mandera.

Taliyaha booliiska deegaankaasi, Stephen Ng’etich oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa sheegay in askar loo diray goobtii ay dhacdadnika dhacday.

Waxa uu intaa ku dary in aan ilaa iyo imika la ogeyn tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Kooxda, Al Shabab ee ka howlgasha Soomaaliya oo marar badan weeraro ka fulisay deegaanadaasi ayaa waxay sheegteen masuuliyada weerarkaasi,iyaga oo sheegay in 10 qof oo Kenyan ah ay dileen.

Bayaan ay kooxda soo saartay oo lagu daabacy mid ka mid ah baraha ay internet-ka ku leeyihiin ayaa waxay lagu sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa dadka aan muslimiinta ahayn ee gaariga Baska saarnaa.

Dhacdadan ayaa ka dhacday isla wadadii 28 Kenyan ah oo Bas ku safrayay lagu dilay 5 snao ka hor.

Wadada uu gaarigani marayay ayaa ku taalla meel u dhaw xuduuda Kenya iyo Somaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here