”Waxay Ku Dhex Dhimatay Mudul La Geeya Haweenka Ay Caadada Ku Dhacdo”

0
334

Booliska dalkaasi Nepal ayaa xiray nin dumaashi u ahaa haweeneey ku dhex dhimatay mudul la geeya gabdhaha uu ku dhaco dhiigga caadada.

Parbati Buda Rawat, oo 21, sano jir ah ayaa meydkeeda laga helay mudulkaasi ka dib markii uu naqaska ku xiray dab ay shidatay si uu uga difaaco qaboowga ka jira gudaha mudulka ay ku jirtay.

Waxaa la aaminsan yahay in xarrigaani uu yahay kii ugu horreey oo la xiriira haweenka la geeya mudullaasi kuwaasi oo ay ku tilmaamaan inaysan nadiif ahayn.

Haweenka ayaa marka uu ku dhaco dhiigga caadada ama markay dhalaan ka dib, waxaa la geeyaa aqallo gaar ah oo ka baxsan agagaarka ay dadku deggan yihiin, waxayna halkaasi joogayaan inta ay daahir ama nadiif ka noqonayaan.

Haddii ninkan lagu helo dambigaasi waxaa lagu xukumi doonaa saddex bilood oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 26 doolar.

Booliska galbeedka Achhan ayaa sheegay iney baarayaan in Chhatra Rawat uu ku khasbay gabadha iney joogto mudulka.

Dhaqankii hore ee dalkaasi Hindiya ayaa haweenka waxaa lagu khasbi jiray iney seexdaan mudulka ama xerooyinka lo’da. Waxaa sidoo kale laga mamnuuci jiray iney taabtaan cuntooyinka qaar iyo ragga.

Mudulladan la geeyo haweenka, aad ayay u qaboow yihiin waxay sidoo kale halis ugu jiraan in dumarkaasi la soo weeraro oo ay naftoodu halis gasho, oo mar sii horreeysay haweeneey ayaa gudaha mudulkii ay ku jirtay ka dhex qaniinay mas oo ay markii dambe u dhimatay.

Nepal ayaa dhaqankaasi mamnuucday sannadkii 2015-kii balse weli wuxuu ka jiraa meelo badan oo ka mid ah baadiyaha dalkaasi, kuwaasi oo aaminsan in dumarka uu ku dhaco dhiigga caadada ay keenaan nasiib xumo.

Ugu yaraan saddex haween ah ayaa sannadkan oo kaliya ku dhimatay gudaha mudulada ama aqalladaasi la geeyo dumarka leh dhiigga caadada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here