Shirkad Diyaaradeed Oo Macamiisheeda U Diyaarisay Adeeg La Yaab Leh

0
340

Dadka diyaaradaha raaca intooda badan bunka iyo shaaha koobabka lagu siiyo uruurintood iyo diyaarintooda ayey ku dhibtoodaan shaqaalaha u adeega macamiisha diyaaradda saaran.

Saxanka, Malqacadda, Farageetada iyo koobabka ay wax ku cabbaan in la qaado lana asturana waxaa shirkadaha diyaaradaha kaga baxa kaharash aad u badan.

Haddaba, shirkadda diyaaradaha New Zealand ayaa sheegtay iney billaawday tijaabinta hal abuur cusub oo adeegga shirkaddana fududeynayo macamiisheedana ay ku raalli gelineyso.

Koobkan ay shirkadda alliftay wuxuu leeyahay carafta miraha Vanilla. Kaddibna shirkadda waxay haddana hindistay koobka carafta Vanilla leh iney ka dhigto nooc ka mid ah buskud la cuno.

Shriakadduna waxay sheegtay qofka marka uu koobkan cusub uu bunka ama shaaha uu ka cabbo wuxuu cunayaa koobka oo dhan maadaamaa uu buskud macaan uu ka sameysan yahay.

Waxayna shirkaddu sheegtay koobkan buskudka laga sameeyey inuusan daadineyn waxyaabaha dareeraha ah marka lagu shubo.

Koobkanna waxaa soo saartay shirkadda Twiice oo ay shirkadda diyaaradaha New Zealnad ka dalbatay iney u sameyso.

Shirkadda diyaaradaha New Zealand waxay sanadki macamiisheeda siisaa in ka badan 8 milyan oo koob oo bun ah.

Hal abuurkan cusub ee ay shirkadda Nw Zealand la timid ayaa la sheegay iney qayb weyn ka qaadaneyso ilaalinta deegaanka maadaamaa shirkaddu sanad walba ay qubi jirtay malaayiin koob oo caag ka sameysan.

Dalka Britain oo keli ah waxaa sanadki qashin qubka lagu daraa 2.5 milyan oo koob, waxaana koobabkaasi dib loo isticmaalaa oo keli ah 0.25%.

Shirkadda diyaaradaha New Zealand waxay ugu dambeynti sheegtay koobabka cusub ee ay shirkaddu halabuurtay oo ay hadda tijaabada ku socota iney macamiisha ka helayaan dhammaan duullimadyada ay shirkaddu leedahay ee caalamka oo dhan isga goosha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here