“Xisbiyadda Mucaaridku Waxay Ka Shaqeeyaan Xumaan” Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

0
445

“Xisbiyadda Mucaaridku Waxay Ka Shaqeeyaan Xumaan” Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland , ayaa sheegay in xisbiyadda mucaaridku ka shaqeeyaan xumaanta dalka, isla markaanna carruurtoodda waxay kaga yimaadeen Filand iyo Yurub, oo halkan (Hargeysa) ayay u shaqo yimaadeen.
Xildhibaan Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in xilligii Daahir Rayaale Kaahin xisbiyaddu qaadan jireen 1200 doolar, intii Xisbiga Kulmiye isaga danbeeyeynaa ay qaataan 21,000 doolar.
Xildhibaanku wuxuu siddan sheegay mar uu jawaab siinayay eeddo ka soo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe.
Xildhibaanka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Xumaanta dalka ayay ka Shaqeeyaan Xisbiyada Mucaaradku Halkan ayay usoo Shaqo tageen
Caruurtoodii Filand iyo yurub ayay wada Joogtaa lacagta ay qaataan Masheegaan Xisbiyadda Mucaaradku,Daahir Riyaale Xisbiyadda Mucaaradka waxa uu siin jiray 1200 doolar Kulmiye intii uu talada hayay bil walba waxa ay qaataan Xisbiyada Mucaaradku 21,000 kun doolar,”.Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here