Ma Sharcibaa Qaabka Ay Golaha Wakiiladu Hoos Ugu Dhigeen Darajooyinka Baligubadle, Caynabo Iyo Taleex?

0
470

Xildhibaan Dayib Xasan Boobe ayaa naqdiyay Ansixintii Golaha Wakiilada ku meelmariyeen Xeerka Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka dalka.

Xildhibaan Dayib Xasan Boobe oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa naqdiyay qaabkii Golaha Wakiilada ku ansixiyay Xeerka Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka dalka.

Dayib Xasan Boobe oo Warbaahinta Maanta la hadlay ayaa waxa uu Sheegay in darajooyinka ay wax ka badalka ku Sameeyeen Golaha Guurtida ee ay ka dhigeen Darajada B ay u cuska deen madaama Digreeto Madaxweyne lagu Magacaabay.

Dayib Xasan Boobe oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Hadii Golaha Wakiilada Mashruuc Sharci oo Golaha Guurtida Saddex Meelood labo meelood ku soo ansixiyeen Golaha Guurtida ogolaan waayo ku noqosho malaha ee sidaas ayuu ku ansaxayaa,Mashruuc Sharci oo Golaha Guurtida ku soo ansixiyay aqlabiyad labo meelood Saddex tirada Golaha oo ay wax ka badali waayaan Golaha Wakiilada ku qanci waayo diidmadaasi oo marlabaad ku ansixin waayaan saddex meelood labo meelood tirada Golaha Xeer kaasi sidaas ayuu ku ansaxayaa,lix Gobal ayaa ku soo baxay Digreeto Madaxweyne Saddex ka mida waa daraja B labo ka mida A hadii Golaha Guurtida isa soo gaadhsiiyay Degmooyinka ileen Digreeto Madaxweyne ayaa lagu Magacaabay anigu garan maayo wax ku jira,”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here