Boris Johnson Oo La Saadaalinayo In Uu Guuleysto Iyo Jeremy Corbyn Oo Gaaray Go’aan Lama Filaan Ah

0
303

Waxaa wali dalka Ingiriiska ka socota tirinta codadka doorashadii maalin kahor ka dhacday dalkaas.

Hogaamiyaha mucaaradka, Jeremy Corbyn oo markale laga soo doortay deegaan barlamaaneedka uu ku matelo barlamaanka UK ayaa markii la doortay kadib hadlay, waxaana uu sheegay “in habeen murugo ay u ahayd xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo”.

Waxaa kale oo uu sheegay in uusan mar dambe xisbiga Labour ku hogaamin doonin doorashada xigta.

Xisbiga uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriska, Boris Johnson oo isna markale laga soo doortay deegaankii uu matalayay ayaa la saadaalinayaa in uu ku guuleysan doonaa doorashada dalka Britain.

Boris oo ka hadlay halka laga soo doorto ayaa yiri: “halka aan joogno waxaa inoo muuqda in dalkan uu doortay dowladda Conservative-ka oo la siiyay mandate cusub oo awood badan, si loo xaqiijiyo ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub iyo in dalkan la mideeyo, horayna loo wado oo muhiimadda la siiyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee dadka Britain”, ayuu Boris Johnson.

Johnson ayaa waxaa kale oo uu sheegay in doorashadan ay ahayd mid taariikhi ah, taas oo xukuumadda cusub u siineysa fursad ay wax badan kaga qaban karto waxyaabaha hortaagan Dowladda dalkaas oo ay kamid tahay ka bixitaanka Yurub inteeda kale.

BBC-da ayaa haatan saadaalineysa in xisbiga ra’iisul wasaare Johnson uu ku guuleysan doona 64 kursi, taas oo xoogahaa ka yar 86 markii hore la saadaalinayay.

.
 

Xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Jeremy Corbyn ayaa lumiyay deegaan barlaameednyada kala ah North, Midlands iyo Wales, kuwaas oo sanadkii 2016-ka taageeray qorshaha ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Sidoo kale deegaan barlamaaneedyada kala ah Darlington, Sedgefield iyo Workington oo markii hore uu ku xooganaa xisbiga shaqaalaha ayaa haatan waxaa uu ka baxay ganactooda, waxaana laga soo doortay xildhibaano ka tirsan xisbiga muxaafidka ee talada haya.

Dhanka kale xisbiga Scottish National Party ayaa isaguna u muuqda in xoogahaa guul uu gaaray, waxaana dhowr deegaan barlamaaneed uu kaga guuleystay xisbiyada ugu tunka weyn dalka Britain ee Labour iyo Conservatives.

Saadaashu waxaa kale oo ay muujineysaa in xisbiga Boris Johnson uu heli doonaa 357 xildhibaan, waxaana taas ay ka dhigan tahay in 39 xildhibaan uu ka sare maray intii uu helay doorashadii 2017-ka.

Haddii saadaashaas ay dhab noqoto, waxaa Boris Johnson u sahlanaan doontaa in uusan u baahanin isbaheysi uu la sameeyo xisbiyo kale, sidaasina uu ku meel marin karo qorsheyaasha uu damacsan yahay.

Sidoo kale xisbiga Labour ayaa la saadaalinayaa in uu helo 201 xildhibaan, SNP 55, Liberal democrats 13, Plaid Cymru afar iyo Greens oo hal kursi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here