Kumannaan Qof Oo Ka Qeybqaatay Dibadbax Loogaga Soo Horjeedo Doorashada Aljeeriya

0
330

Kumannaan qof ayaa waxa ay isugu soo baxeen waddooyinka caasimadda Aljeeriya ee Aljeris, si ay uga soo uga soo horjeestaan doorashada madaxtinimada ee Khamiistii la qabtay.

Si kooban ayey ula wareegeen goob ay dadku codkooda ka dhiibanayeen. Iskuday uu boolisku ku doonayay inuu dadkaas farada badan ku kala kaxeeyana waa uu guuldarraystay.

Waxaa la weerraray laba goobood oo kale oo codka lagu dhiibanayay oo ku yaal gobolka Kabylie ee dhaca bariga caasimadda.

Codbixinta ayaa timid kaddib markii xilka uu banneeyay Madaxweyne Abdelaziz Bouteflika, kaas oo lagu qasbay inuu iscasilo bishii Abriil ee sanadkan.

Madaxweyne Bouteflika waxa uu xilka hayay 20 sanadood hasayeeshee waxaa xilka uu banneeyay kaddib dibadbaxyo dowladda loogaga soo horjeedo oo ka dhacay guud ahaan dalkaasi.

Madaxweyne Abdelaziz Bouteflika

Dibadbaxayaasha oo bannaanbaxyada sii wada ayaa waxa ay dalbanayeen in gebi ahaanba laga takhaluso hannaanka siyaasadda ee Aljeeriya, waxa ayna qaadaceen doorashada.

Dhammaan shanta musharax ee doorashadan u taagan ayaa waxaa si dhaw loola xiriiriyay madaxweynihii hore Bouteflika.

Dadku maxaysan u faraxsanayn?

Muddo ku dhaw sanad, kumannaan qof oo reer Aljeeriya ah ayaa waxa ay Jimce walba mudaharaad ka dhigayeen magaalada Aljeris iyo magaalooyin kale oo dalkaasi ku yaal, kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan doorashokasta oo ay qabato xukuumadda haatan talada haysa.

Waxa ay doonayaan in dhammaan saraakiisha lala xiriiriyay maamulkii hore ee madaxweynihii xilka laga qaaday Bouteflika ay awoodda banneeyaan, oo uu ku jiro madaxweynaha ku meel gaarka ah Abdelkader Bensalah iyo ra’iisul wasaare Nouredine Bedoui.

“Doorasho qori laguma qaban karo”, “waa in dhammaantood xilalka banneeyaan” dibadbaxayaasha ayaa todobaadwalba ku qaylinayay, iyagoo ula jeeday siyaasiyiinta iyo ganacsatada ku xeernaa madaxweynihii xilka ka tagay, kuwaas oo ay u arkaan inuu musuq maasuq hareeyay.

Algerian demonstrators on 6 December carry placards that read in French: "This vote will never happen".

Waxa ay dadku leeyihiin waxaa qasab ah in wajiyo cusub la keeno si ay “doorashooyin dhab ah” uga qabtaan dal qofka ku guulaysanaya doorashooyinka madaxtinimada ay badanaa iska aheyd wax la wada malayn karo.

Doorashokasta ee ay qabato xukuumaddan ayaa waxaa loo arkayaa mid dib u soo noolaynaysa nidaamkii hore kaas oo dibadbaxayaashu ay ka soo horjeedaan.

Dibadbaxayaal badan ayaa sheegaya in Mr Bensalah iyo Mr Bedoui aanan lagu aamini karayn inay qabtaan doorasho xor oo xalaal ah sababtoo ah waxa ay hore uga faa’iideen maamulkii madaxweynihii hore Bouteflika.

Hasayeeshee taliyaha ciidammada qalabka sida Janaraal Ahmed Gaid Salah, oo haatan dalka maamula ayaa ku adkaystay inay tahay in doorashada la qabto haddii ay tahay in Aljeeriya ay qalalaase ka badbaaddo.

Yaa u tartamaya madaxweynenimada?

Ali Benflis, Abdelmadjid Tebboune, Azzedine Mihoubi, Abdelkader Bengrina, Abdelaziz Belaïd.

Dhammaan shanta musharax ee ku tartamaya doorashooyinka madaxtinimada ayaa waxa ay ka soo hoos shaqeeyeen Madaxweyne Bouteflika ama xisbigiisa FLN:

  • Ali Benflis, oo ah 75-jir, ayaa ka mid ahaa raggii daacadda u ahaa Bouteflika ee markii dambe ku soo jeestay
  • Abdelmadjid Tebboune, oo ah 74-jir, ayaa muddo dheer ku soo jiray adeegga bulshada waxa uuna 2017-kii noqday ra’iisul wasaare
  • Azzedine Mihoubi, oo ah 60-jir, waa hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee xisbiga labaad ee ugu ballaaran dalka ee loo soo gaabiyo RND kaas oo taageerayay isbahaysigii madaxweyne Bouteflika
  • Abdelkader Bengrina, oo ah 57-jir, ayaa ah aasaasihii xisbiga Islaamiga ee MSP, waxa uu dowladdii isbahaysiga ka soo noqday wasiirkii dalxiiska
  • Abdelaziz Belaïd, oo ah 56-jir, ayaa ku soo caanbaxay ururka dhalinyarada ee xisbiga FLN, xildhibaan ayuu noqday ka hor inta uusan sameysan xisbi uu isagu leeyahay

Musharaxa guulaysanaya ayaa waxa uu u baahan yahay in ka badan 50% si loogu dhawaaqo inuu ku guulaystay cododka la dhiibtay, haddii ay taasi dhici waysana wareeg labaad ayaa la aadi doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here