Maxaa Qabsaday Ninkii Hooyadiis Iska Dhigay Ee Imtixaanka Galay?

0
427

Nin 43 jir ah ayaa lagu xiray waqooyiga waddanka Brazil ka dib markii lagu fahmay qorshe uu hooyadiis isaga dhigayay, si uu ugu galo imtixaankeeda darawalnimada.

Eedeysanahan xabsiga loo taxaabay ayaa dhar iyo qalab kale oo uu kusoo labistay aad isugu ekeysiiyay hooyadiis.

Maxaa keenay arrintan?

Markii ay Heitor Schiave hooyadiis, Maria, oo 60 jir ah saddex jeer ku dhacday imtixaanka ayuu go’aansaday inuu booskeeda galo, maadaama uu isagu yahay farsamayaqaan baabuurta hagaajiya, aadna u yaqaanna sida loo kaxeeyo.

Wuxuu soo xirtay cambuur, timo iyo ciddiyo, wuxuuna wajiga marsaday make-up u ekeysiiyay dumar.

Dhowr jeer ayuu gaariga kusoo wareejiyay magaalada intii uu imtixaanka socday, qorshihiisuna wuxuu u muuqday mid si fiican u socda.

Laakiin wuxuu shaki yimid markii ay soo baxday in ‘haweeneyda gaariga wadda aysan waji ahaan aad ugu ekeyn sawirka ugu dhaggan sharciga ay wadatay’

“Wuxuu isku dayay inuu iskadhigo si aan looga shakin karin intii karaankiisa ah. Si fiican ayuu make-up u marsaday, ciddiyahana si wanaagsan ayuu isugu soo habeeyay, dahabka dumarkana wuu soo xirtay”, sidaas waxaa yiri macallinkii qaadayay imtixaanka darawalnimada, oo lagu magacaabo Aline Mendonça.

Booliska ayaa loogu yeeray si ay u xiraan isagoo ku sugan dugsiga tababarka darawalnimada, waxaana lagu eedeeyay dambi ah inuu khiyaano sameeyay iyo inuu isticmaalayqof kale aqoonsigiisa.

“Islamarkiiba wuu qirtay dambigiisa. Wuxuu sheegay inuu yahay haweeneyda imtixaanka laga rabay wiilkeeda, uuna doonayay inuu hooyadiis ugu guuleysto imtixaanka ay kari weysay”, ayuu yiri macallinka darawalnimada.

Mr Schiave wuxuu sheegay inaysan hooyadiis waxba ka ogeyn qorshaha uu sameynayay.

Presentational grey line

Ninkii damcay inuu xabsiga ka baxsado isagoo gabdhiisa iska dhigaya

.
 

Bishii August ee sanadkan, nin ka ganacsan jiray iibinta daroogada ayaa lagu xiray isla dalkaas Brazil , xilli uu isku dayayay inuu ka baxsado xabsi lagu hayay, isagoo adeegsanayay cinjir loo ekeysiiyay wajiga gabadhiisa oo 19 jir ah, dhar iyo timo.

Mas’uuliyiinta xabsigaas, oo ku yaalla magaalada Rio de Janeiro, ayaa shaaciyay muuqaal lagu arkayo maxbuuska 42 jirka ah oo u labisan sidii gabar, isla markaana wajiga ku xiran maasgaraati gabadhiisa aan laga garaneynin.

.

Saraakiisha ayaa sheegay in gabadha qudheeda dacwad loogu soo oogi karo falka ay aabaheed ugu caawisay inuu xabsiga ka baxsato, inkastoo la fashiliyay.

Waxay sheegeen in gabadha 19 jirka ah ay xabsiga ku booqatay aabaheed, Clauvino da Silva, iyadoo ay dad kalena la socdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here