Ciidamada Booliska Laascaanood Oo Xabsiga Dhigay Abwaan Laabsaalax, Xildhibaan Hanad, Sarkaal Milatari Ah Iyo Muwaadin Kale+Sababta

0
322

Ciidamada amaanka ee gobolka Sool ayaa goor dhawayd xabsiga ku hubsaday abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul(Laab Saalax) oo ka mid ah hal abuurka somaliland.

Sida ay sheegayaan warar hada soo gaadhaya Hadhwanaagnews, ciidamada booliska ayaa xidhay Abwaan Laabsaalax oo maanta ka qayb galay xidhitaanka bandhigii buugaagta ee Laascaanood isla markaana ku sugnaa gudaha magaalada.

Dhinaca kale ciidamada booliska ee gobolka Sool ayaan ilaa hada ka hadal sababaha keenay inay xidhaan abwaan Laabsaalax.

Sidoo kale wararka soo gaadhaya Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in ciidanka booliska Laascaanood xabsiga dhigeen wiil lagu magacaabo Aadan Xasan Mataan kaas oo lagu xidhay sawir gacmeed uu ku muujiyey Madaxweyne Farmaajo.

Image may contain: 2 people, people smiling, grass and outdoor

 

Sidoo kale xildhibaan Hanad oo ka mid ah golaha deegaanka Hargeysa iyo sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga somaliland ayey wararku sheegayaan in lagu hubsaday xabsiga magaalada Laascaanood, iyada oo ciidamada amaanka laga sugayo sababta keentay xadhiga dadkan iskugu jira masuuliyiinta iyo shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here