Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Ciidammada Puntland Oo Xalay Boosaaso Lagu Dilay

0
370

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in rag bastoolado ku
hubeysan xalay toogasho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Dowlad gobolleedka
Puntland. Warkan oo ay baahisay Idaacada VOA ayeey Goobjoogayaal u sheeegeen in kooxdii dilka u geysatay sarkaalka markiiba baxsadeen iyadoo ciidamadu ku guuldareysteen inay qabtaan.
Laamaha Amaanka dowlad gobolleedka Puntlanad ayaan wali wax war ah ka soo saarin dilkan ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Boosaaso. Weerarkan lagu dilay sarkaalka ayaa imanaya xili dhawaan sidan oo kale kooxo hubeysan weerar ku qaadeen isla toddobaadkan bartamaha magaalada gaadhi ay la socdeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland iyaga oo dilay Labo Askari oo ka tirsanaa ciidanka la weerarray.
Xaalada Amaanka magaalada Boosaaso ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyay u muuqatay mid aan daganeyn iyadoo
ay ka dhaceen weerarro is xig xigay oo dhimasho iyo dhaawacba sababay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here