Daawo: SAWIRRO: Xaflad Si Heer Sare Loo Soo Agaasimay oo Lagu Soo Dhoweynayay Xildhibaan Mubarik Yusuf Cilmi Bidhi oo Ka Dhacday West London..

0
364
14.12.2019 Waxa Caawa Ka Qabsoomay Xaafada Southall ee West London Xaflad aad uu Qurux Badan oo si wanaagsan Loo soo Agaasimay oo Lagu Soo Dhoweynayay Xildhibaanka Ugu Dhaqdhaqaaqa Badan Gobolka Togdheer Xildhibaan Mubarik Yusuf Cilmi Bidhi.
Xafladan oo Si weyn Uga soo Qaybgaleen Jaaliyada Reer Burco Iyo Dhamaan Jaaliyada Reer Somaliland ee Ku Dhaqan Magaalada London Iyago Halkaasi uu kala hadhin soo dhoweynta Xildhibaanka.
Masuuliyinta Ka soo Qaybgalay Xafladaas ee Ka Hadlay aya waxa ka Mid aha:
Xooghaya Arrimaha Dibedda Xisbiga UCID:  Marwo Hibaaq Cali Maydhalalis
Gud KUXigeenka Xisbiga KULMIYE:  Md Axmed Cabdullahi Axda
Cabdi Caga Cadde Kana Mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee UK ahna Xildhibaan uu Taagan Golaha Wakiilada
Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee UK Maxamoud
Gudoomiyaha Ururka IIBI KUBAD Maxamed Barasab
Gudoomiyaha Jaaliyada West London Community..
Waxa Iyana Goobtaas Ka soo Qaybgalay : Fanaanin Caan ah oo Kala aha Nimco Yaasin, Nuur Daalacay, Faysal Yuusuf Cilmi…Aniisa Darmaan..
Masuuliyiinta Xafladan ka hadlay aya Ku Bogaadinayay Xildhibaan Bidhi sido Iskugu Xidhay Dadki Qurbo Joogi Iyo Dalki,  Geesta Kalena Ku amaanay Dedaalka Shaqo uu Ka wado Magaalada Burco.
Waxa Ugu Dambeynti Halkaas Khudbad Ka Jeediyay Xildhibaan Mubarik Yuusuf Cilmi Bidhi Isago Ka Hadlay Xaalada Magaalada Burco Xiligan isago sheegay inay Nabadgelyada aad uu wanaagsantahay, Horumar Balaadhani ka socoto Magaaladi Burco.
Waxu Iyana Ka Hadlay Dhibaatada Ugu weyn ee Haysta Magaalada Burco inat tahay Dhaqaalahi ay Xaqa uu Lahayd ee Cashuurta Xoolaha in Dowladi Cigaal Ka Wareejisay Ila Haddana sidi uga Maqantahay, sidaas Daraadeed aanay Magaalada Burco Dhaqaale ahaan Kobci Karayn Ila Isheedi Dhaqaale Dib Loogu soo celiyo, waxaano sheegay inay Isaga iyo Maayirka Burco Kala Hadleen Xildhibaanada Golaha Wakiilada.
Geesta Kalena Madaarka Burco oo Xidhan muddo Dhowr Iyo Toban Sano ah ayo sheegay inay Madaxweynaha Kala Hadleen, Iyado Madaxweynaho Ballan qaadyo sameeyay Sidi Loo Furi Laha Madaarka Magaalada Burco.
Xafladan Caawa Ka qabsoontay Xaafada Southall ee West London aya waxa Dedaal dheer Geliyay siday uu qabsoomi lahayd Muna Maxamoud Bire Iyo 
Zeynab Cali Xabeeb..
Image may contain: 2 people, including Adan Yusuf, people standing and indoorImage may contain: 4 people, including Maxamed Nafaqo Nayruush, people smiling, people standing and indoorImage may contain: 2 people, indoorImage may contain: Ahmed Abdilahi, indoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here