Doorashada Aljeeriya: Dibadbaxyo Cusub Oo Dhacay Xilli Tebboune Loo Doortay Inuu Badelo Bouteflika

0
319

Tobannaan kun oo qof ayaa waxa ay isugu soo baxeen waddooyinka caasimadda Aljeeriya ee Aljeris, iyagoo ka mudaharaadaya natiijooyinka doorashadii madaxtinimada ee Khamiistii la qabtay.

Waxa ay ku qeylinayeen hal ku dhegyo ay kaga soo horjeedaan ninka doorashada ku guulaystay, waa ra’iisul wasaarihii hore Abdelmadjid Tebboune, kaas oo hore daacad ugu ahaan jiray hogaamiyihii xilka laga qaaday Abdelaziz Bouteflika.

Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay dalbanayaan in gebi ahaanba meesha laga saaro qaabka ay ku dhisan tahay siyaasadda dalkaas.

Maalintii codbixinta waxaa dalkaas ka dhacay dibadbaxyo iyo baaqyo ah in la qaadaco doorashada.

Mr Tebboune, oo 740jir ah, ayaa waxa uu ku guulaystay 58%, taas oo ka badbaadisay inuu aado wareeg labaad. Hasayeeshee isaga iyo afarta musharax ee kale ayaa waxaa lagu dhaleeceeyeen inay aad ugu dhawaayeen maamulkii Mr Bouteflika.

Madaxweyne Bouteflika ayaa xilka banneeyay kaddib dibadbaxyo ballaaran oo dalkaasi oo dhan ka dhacay.

 

Hasayeeshee dibadbaxyada loogaga soo horjeedo dowladda ayaa sii socday tan iyo markaas oo joogto ayey ahaayeen.

“Codka waa lagu shubtay. Doorashooyinkiina waxba nagama gelin madaxweynihiinana nama maamuli doono,” waxaa sidaasi ku qaylinayay dibadbaxayaal Jimcihii isugu soo baxay bartamaha magaalada Aljeris.

“Tebboune waa uu ka xun yahay Bouteflika,” ayey tiri mid ka mid ah dibadbaxayaasha oo lagu magacaabo Meriem oo ah 31-jir dowladda u shaqeysa. “Maynaan codayn mana tanaasuli doono.”

Supporters of Abdelmadjid Tebboune celebrate his victory in Algiers on December 13, 2019

Mr Tebboune ayaa muddo dheer ku soo jiray adeegga bulshada waxa uuna 2017-kii noqday ra’iisul wasaare hasayeeshee todoba bilood oo kaliya ayuu xilka hayay kaddib markii ay iskhilaafeen ganacsato saameyn leh. Sidoo kale waxa uu hore u soo noqday wasiirka guriyeynta iyo wasiirkii warfaafinta.

Ololihii doorshadiisa ayaa waxa uu ku ballanqaaday inuu baadigoobi doono lacagaha dadweynaha “ee la xaday iyo kuwa dibadaha lagu qarsadayba”.

Supporters of Abdelmadjid Tebboune celebrate his victory in Algiers on December 13, 2019

Mr Tebboune ayaa baraha bulshada waxaa loogaga yeerayay “ninka dooran”, iyadoo dadku ay u arkaan inuu u dhaw yahay taliyaha ciidammada qalabka sida Gen Ahmed Gaid Salah, hogaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Aljeeriya.

Saraakiisha doorashada ayaa sheegay in sagaal milyan oo qof ay codkooda ka dhiibteen doorashadii Khamiista, taas oo dadkii u soo baxay ay ku dhawaayeen 40%.

“Tirada dadka doorashada u soo baxay waa wax lagu qanco waxa ayna madaxweynaha cusub siinaysaa taageerada uu u baahan yahay si uu u fuliyo isbadellada uu doonayo inuu hirgaliyo,” ayuu Ahmed Mizab, faaliye ka tirsan taleefishinka qaranka.

Algerians chant slogans during a protest rally in Algiers, Algeria, 12 December 2019.

Maxay dadku u mudaharaadayaan?

Ku dhawaad muddo sanad ah, kumannaan qof oo reer Aljeeriya ah ayaa waxa ay Jimce walba mudaharaad ka dhigayeen magaalada Aljeris iyo magaalooyin kale oo dalkaasi ku yaal, kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan doorashokasta oo ay qabato xukuumadda haatan talada haysa.

Waxa ay doonayaan in dhammaan saraakiisha lala xiriiriyay maamulkii hore ee madaxweynihii xilka laga qaaday Bouteflika ay awoodda banneeyaan, oo uu ku jiro madaxweynaha ku meel gaarka ah Abdelkader Bensalah iyo ra’iisul wasaare Nouredine Bedoui.

“Wax doorasho ah lama galayno burcad”, “waa in dhammaantood xilalka banneeyaan” dibadbaxayaasha ayaa todobaadwalba ku qaylinayay, iyagoo ula jeeday siyaasiyiinta iyo ganacsatada ku xeernaa madaxweynihii xilka ka tagay, kuwaas oo ay u arkaan inuu musuq maasuq hareeyay.

Algerian demonstrators on 6 December carry placards that read in French: "This vote will never happen".

Waxa ay dadku leeyihiin waxaa qasab ah in wajiyo cusub la keeno si ay “doorashooyin dhab ah” uga qabtaan dal qofka ku guulaysanaya doorashooyinka madaxtinimada ay badanaa iska aheyd wax si fudud loo wada qiyaasi karo.

Khamiistii, dibadbaxayaasha ayaa si kooban waxa ay ula wareegeen goob ay dadku codkooda ka dhiibanayeen oo ku taal magaalada Aljeris. Iskuday uu boolisku ku doonayay inuu dadkaas farada badan ku kala kaxeeyana waa uu guuldarraystay.

Waxaa la weerraray laba goobood oo kale oo codka lagu dhiibanayay oo ku yaal gobolka Kabylie ee dhaca bariga caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here