Wiil Ay ilmo Adeer Yihiin Ra’isul Wasaaraha Pakistaan Oo Ay Booliiska Baadi-Goobayaan

0
342

Booliiska dalka Pakistan ayaa sheegay in ay baadi goobayaan wiil ay ilmo-adeero yihiin rai’sul wasaaraha Pakistaan Imran Khan,kaasi oo ay sheegeen in uu ka qeyb qaatay weerar lagu qaaday isbataal halkaasi oo saddex bukaan ah ay ku dhinteen.

Booliiska magaalada Lahore ayaa waxay u dhaceen guriga Xassan Niazi waxa ayna sheegeen in laga yaabo in uu dhuumaaleysi ku jiro.

Mr Niazi ayaa waxaa uu ka mid ahaa dhowr boqol oo qareenno ah oo iyagu u dhacay isbataal ka dib muran dhexmaray qareenada iyo dhakhaatiirta.

Muuqaal lagu shaaciyay warbaahinta maxalliga ah iyo baraha bulshada ayaa laga arkayay qareennada oo qalalaase ka sameynaya qeybaha ay bukaannada wadnaxanuunka ku jiraan ee isbitaalkaas, iyagoo markaas garaacayay shaqaalaha, qalabkana burburinayay.

Muuqaalada iyo sawiradan oo uu ka dhex muuqdo Xassan Niazi ayaa waxa si wayn loogu baahiyay baraha bulshada.

Mr Niazi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweetar-ka waxa uu qirtay in uu ka qeyb qaatay qalalaasaha ka dhacay isbataalka ku yaala Lahore islamarkana waxa uu sheegay in uu ka qoomameynayo.

Waxaa markii dambe la arkayay qareenada oo ay booliiska goobta dibadda uga soo saarayaan.

Waxaa la yaab noqtay in warbixinta ay booliiska dhacdadan ka soo saareen ee ay sheegeen in dacwadaha rabshadahasi lagu soo oogi doono uusan ku jirin magaca Mr Niazi .

Saddex bukaan ayaa geeriyootay markii ay boqollaal qareenno ah weerar ku qaadeen isbitaal ku yaalla magaalada Lahore ee dalka Pakistan, xilli uu socday mudaharaad salka ku haya muran u dhaxeeya Dhakhaatiirta iyo Qareennada.

Qareennada ayaa ka careysnaa hab dhaqan qallafsan oo dhakhaatiirta isbitaalkaas lagu eedeeyay inay bishii lasoo dhaafay ku sameeyeen qareenno saaxiibbadood ah.

Hase ahaatee arrinta ugu dambeysay ee sababtay qalalaasaha ayaa u muuqata inay tahay caro ka dhalatay muuqaal baraha xiriirka bulshada lagu shaaciyay oo muujinayay dhakhtar habeennimadii Talaadada ku maadeystay qareennada.

Qaar ka mid ah bukaanada ayaa isbataalka laga saaray

Sidee arrintan looga fal-celiyay gudaha Pakistan?

Qareennada ka qeyb qaatay weerarka isbitaalka ayaa si weyn loogu cambaareeyay warbaahinta Pakistan.

“Dadka reer Pakistan waxay muddo sannado ah goob joog u ahaayeen qalalaase ay sameynayeen dad qareenno ah”, sidaas waxaa Khamiistii tiri mid ka mid ah wariyeyaasha telefishin lagu magacaabo Geo TV.

Afrasiab Khattak, oo horay guddoomiye uga ahaa ururka madaxa bannaan ee u dooda xuquuqda aadanaha Pakistan(HRCP), ayaa bartiisa Twitter-ka ku cambaareeyay dhacdadaas.

Maamulka Gobolka Punjab oo ka cabsi qaba inay mudaharaadyo kale oo rabshado wata dhacaan ayaa dalbaday ciidamo dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here