“Burcad Badeeda Soomaaliya Waxay Khatar Ku Yihiin Maraakiibta Maraya Xeebaha Afrika” Qaramada Midoobay

0
387

Qaramada Midoobay ayaa Maraakiib dagaal oo laga leeyahay Hindia u dirtay xeebaha Afrika, iyagoo ilaalo ka ah maraakiibta gargaarka sida ee u raran hay’adda WFP, Arrintaan ayaa timid ka dib markii Qaramada
Midoobay ay sheegtay in Burcad badeeda Soomaalida ay khatar ku yihiin maraakiibta gargaarka sida ee maraya xeebaha Afrika.

 

“Maraakiibta ganacsiga ee u raran barnaamijka cuntada aduunka ma ma haystaan hub, waxayna bartilmaameed jilicsan u yihiin burcad badeedda, sidaas daraadeed ciidamada badda ee Hindiya waxaa loo geeyay sidii loo ilaalin lahaa ammaanka maraakiibtaas,” ayaa lagu yidhi warbixinta Qaramada Midoobay kasoo baxday.

Dhowr Markab oo kuwa Badda Hindiya ah ayaa iyaguna gaaf wareegaya xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo horey uga tirsanaa howlgalka la dagaalanka burcad badeeda. Ciidamada Badda Hindiya ayaa siidaayay sawirro iyo macluumaad markab xamuul siday oo lagu magacaabo ‘MV Annika’ iyo markab dagaal oo Hindi ah oolaalo ka ah.

 

Wadamo badan oo Afrika ah, dadku ma helaan cunno ku filan. Qaramada Midoobay waxay si joogto ah ugu dirtaa agab kala duwan oo gargaar iyo cunto nafaqo leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here