Diyaarad Ka Timid Turkiga Oo Sidda Dhaqaatiir Iyo Daawo Oo Soo Gaartay Muqdisho

0
448

Waxaa saaka aroortii hore garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad sidda gurmad deg deg ah oo ka timid dalka Turkiga.

Diyaaradaan ayaa waxa ay keentay dhaqaatiir iyo sidoo kale daawooyin loogu talagalay in lagu baxnaaniyo dadkii shalay ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo wasiirka warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wafdigaan iyo dhaqaatiirta ka socota Turkiga ku soo dhoweeyey garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Turkiga sida walaaltinimada leh oo uu markasta ugu taagan yahay ka jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah xiliyada ay dhacaan musiibooyinka.

Weerarkii ismiidaamiinta ee shalay oo ay ku dhinteen dad fara badan, kuna dhaawacmeen kuwa kale oo u badnaa shacab ayaa waxaa weli socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay oo hadda ku jira isbitaallada Muqdisho.

Dadka dhintay sidoo kale waxaa ka mid ahaa Injineero Turki ahaa, kuwaas oo qaraxu haleelay, xilli ay marayeen isgoyska Ex-Koontarool Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here