Musharaxa Gudoomiyenimo Ee Xisbiga Kulmiye Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Uk

0
424
Musharaxa Gudoomiyaha Xisbul xaakimka Kulmiye Md Maxamoud Xaashi Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Madaarka Caalamigaa Ee Birmingham Uk (Sawiro).

Birmingham (Burcoonline) 28.12.2019 Musharaxa Gudoomiyaha Xisbul xaakimka Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Madaarka Caalamigaa Ee Birmingham Uk (Sawiro).
Waxa caawa garoonka caalamiga ee Caasimada 2aad Uk ee  Birmingham lagu soo dhaweeyey Ex- Wasiir Maxamud Xaashi Cabdi ahna Musharaxa Gudoomiyaha Xisbul xaakimka Kulmiye.
Mudane Maxamud Xaashi oo ah masuul sare oo ka tirsan Xisbul xaakimka ahna Aasaasayaashii Xisbigaasi Kumiye. Ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay Abwaano. Siyaasiyiin. Aqoonyahano. dhalinyaro. wax-garad
iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye UK.
Masuuliyiinta soo dhaweysay oo hadalo ka jeediyey soo dhaweyntaasi Siyaasiga ruug-cadaaga ee Musharaxa  gudoomiyaha kulmiye ayaa halkaa waxay ka sheegeen tageeradda weyn ee dhinac-kasta ah ee ay u hayaan Ex. Wasiir Md Maxamud Xaashi.
siiba dedaalka uu ugu jiro musharaxnimada xisbul xaakimka kulmiye.
Waxayna dadweynaha iyo tageerayaasha xisbiga ee soo dhaweynta sameeyey
Ayaa iyagu halkaa ka shegay in uu Md Maxamud Xaashi Cabdi la kulmi doono dhamaan jaaliyadaha Somaliland ee debada gaar ahaan kuwa tageerayaasha u ah xisbiga kulmiye. Birmingham.
Mudane Maxamud xaashi oo ka soo kicitimay dalalka Scandinavianka France iyo Germany ayaa la kulmay shacabka Somaliland ee halkaa degan. siiba masuuliyiinta iyo tageerayaasha xisbiga kulmiye ee wadamadaasi.
Waxa soo dhaweyntiisa iyo abaabulkiisa  markasta ka mid ahaa masuuliiyintii Xisbiga kulmiye ee qaaradda yurub.
Ugu danbeyntii. Siyaasi Maxamud Xaashi oo ka mid ahaa masuuliyiintii dadaalka ugu galay inuu Muharaxii Madaxweynaha ee xisbiga kulmiye AMA kursiga dalka ugu sareeyey doorashadii 2017 ee madaxtooyada ku guuleysto Madaxweynaha S/land Md Muuse biixi. Ayaa iminka ah Musharaxa u cad-cad ee Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye.
Ugu danbeyn. Ex. Wasiir Maxamud Xaashi Cabdi
ayaa aad ugu mahad-celiyay soo dhaweynta iyo maamuuska lagu soo dhaweeyey, waxaanu ka waramay ujeedada uu dalka UK u yimi iyo waxa ay ku saleysan tahay. taasi oo uu sheegay sidii ay ISU xog-wareysan lahayeen oo uu kulamo la yeelan doono. jaaliyadaha Somaliland gaar ahaana tageerayaasha Xisbul xaakimka iyo xubno ka midda dawlada Ingiriiska.
La-soco muqaal ku saabsan soo dhaweynta Ex- wasiir Maxamud Xaashi. 《Mushaxa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye》haddii Ilaahay yidhaahdo.
Adan Yusuf Elmi
Birmingham UK
Image may contain: 6 people, including Dalab Buureed Qaadi, people standing and suitImage may contain: 7 people, including Yassin Jees, people smiling, people standing and suitImage may contain: 6 people, including Dalab Buureed Qaadi and Yassin Jees, people standing and suitImage may contain: 6 people, including Yassin Jees, people smiling, people standing and suitImage may contain: 2 people, people smiling, people standingImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: 3 people, people standing and indoorImage may contain: 6 people, including Dalab Buureed Qaadi and Yassin Jees

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here