Qaraxa Muqdisho: “Miyirkii Baa Iga Tagay Markaan Arkay Meydadka Ardayda”

0
362

Waxay ahayd dhacdo kale oo argagax leh oo soo marta dadka reer Muqdisho kuwaas oo dhibane u noqday qaraxyada aan dhamaadka lahayn ee ku soo noqnoqnayay magaalada 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

Waxay galaafteen nolosha dad aad u badan, kuwa kalena waxaa ka soo gaaray dhaawacyo halis ah oo saameeyay noloshooda oo dhan.

Saaka, gaari weyn oo walxaha qarxa lagu raray ayaa aroortii ku qarxay isgoyska Ex-control Afgooye.

Waxaa halkaas ku yaalla kastam canshuuraha lagu qaado, waana meel subixii aad u mashquul badan oo ay isaga gudbaan gawaarida dadweyna, kuwa ardeyda, gawaarida isaga kala gudubta qeybo ka mid ah gobolada Koonfurta dalka iyo Caasimada Muqdisho taas oo keentay inay halkaas ka dhacdo musiibo dad badan galaafatay.

Qof goobjoog ahaa ayaa yiri: “Halkaan musiibo ballaaran ayaa ka dhacday, aniga indhahayga waxaan ku arkay dad badan oo midba meel ku dhacay, qaarkood hilbohooda ayaan ka soo gurnay”.

Lahaanshaha sawirka SNTV

Meydad badan ayaa inta la is garab dhigay lagu guray gawaarida gurmadka. Burbur baaxad leh, gawaari badan oo gubatay iyo waxyaabo laga argagaxo ayaa goob kasta daadan iyadoo weli la la’yahay dad kale.

“Miyirkii dhan baa iga tagay markaan arkay meydadkii ardayda iyo dadkii kale oo ku waxloobay”, ayuu yiri goobjoogahaas.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay dhacdadaas wuxuuna yiri: “Argagixisadu waxay xasuuqeen shacabka, cadawtinnimo ayayna u hayaan horumarka dalka”.

“Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisada ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Villa Somalia.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya gurmad loo sameeyo dadka ay waxyeellada ka soo gaartay qaraxa ka dhacay Ex-Koontarool.

Lahaanshaha sawirka SONNA

Sida ay xaqiijisay safaradda Turkiga ee Soomaaliya, laba qof oo dalkaas u dhashay ayaa ka mid ahaa dadka qaraxa ku dhintay

Inkastoo illaa hadda aan la xaqiijin bartilmaameedka uu ku socday qofka waday gaariga is qarxiyay, haddana goobta uu ku qarxay waa meel ka mid ah meelaha ugu saxmadda badan Muqdisho.

Qof kale oo meesha joogay markii uu qaraxa dhacayay ayaa sheegay: “Aniga waxaan ka imid dhanka ceelasha biyaha markaan ku soo dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaan arkay gaari aan Dheyno u maleynayo in uu ahaa oo ordaya, ka dibna waxaa lagu dhuftay gaari kale oo meel darbi ah ku dhacay”.

Waxaa jiro warar sheegaya in laba bas oo ardey ay saarnayeen in ay meesha ku baabe’een.

Weli waxaa socdo gurmadka loo samaynayo dadkii dhaawacmay oo boqol kor u dhaafaya, waxaana suuragal ah in tirade dhimashada ay sii kororto.

Madaxa gaadiidka gurmadka degdeg ah ee Aamin, Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aaden ayaa BBC-da u sheegay in 76 qof oo mayd ah ay ka qaadeen goobta u qaraxa ka dhacay.

Lahaanshaha sawirka SONNA
Image caption Mid ka mid ah dadkii dhaawacmay oo cisbitaalka Madina la geeyay

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Filish, oo tagay halka uu qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in dhimashada aad u badan tahay dibna ay ka soo sheegi doonaan marka tirakoobka uu dhamaado.

“Qarax weyn oo gaari xamuul ah ayaa saaka ku qarxay isgoyska Ex-koontarool Afgooye, dhimashada waa badan tahay, waxa uu khasaaraha ugu badan soo gaaray ardayda u socotay dugsiyada iyo jaamacadaha,” ayuu yiri Gudoomiye Filish.

Muqdisho waxay manta markale u tahay maalin murugo iyadoo guryo badan oo saaka nabad looga soo toosay, loo geeyay warka ku saabsan in qof ay jeclaayeen oo si nabad guriga uga tagay, uu ku dhintay dariiqa ama uu dhaawac yahay.

 

Illaa hadda ma jirto koox sheegatay masuuliyadda qaraxaas.

Dhegaha dad badan weli waxaa ka guuxaya qarixii ugu dhimashada badnaa ee Soomaaliya ka dhacay 2017-kii, kaas oo illaa 600 oo qof ku dilay isgoyska Soobe oo aan aad uga fogeyn ex-koontarool Afgooye.

Qaraxaasna ma jirto cid sheegatay, balse dowladda waxay ku eedeysay Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here