Amaro la dul-dhigey Saraakiil & Ciidamo ka tirsan Dowladda

0
487

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee qeybta 27aad ee Gobolka Hiiraan Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle ayaa sheegay in marnaba aan loo dul qaadan doonin dhibateynta dadka Shacabka ah ee ku nool Gobolkaas.

Waxaa uu sheegay in cabasho badan ay uga timid dadka Shacabka ah,kuwaas oo uu sheegay inay dhibaatooyin u geystaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda,xilliyada qaar o ay safarada ku jiraan.

Guddoomiyaha waxaa uu digniin culus u direy Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ka howlgalla qeybo kamid ah gobolka Hiiraan,waxaana uu sheegay in saraakiisha iyo Ciidamada ay sharciga u siman yihiin,isla markaana cidii Shacabka dhibaateysa tallaabo laga qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here