Booliska Gobolka Bari oo Boosaaso ka bilaabey howlgallo

0
506

Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa waxaa ay xalay Magaalada Boosaaso ka sameeyeen howlgallo lagu burburinayey Goobaha Ganacsi oo dadka qaar sida Sharci darrada ah uga dhisteen hareeraha wadooyinka qaar ee Magaaladaas.

Howlgalka xilliga uu socday ayaa la sheegay in dadka Ganacsigooda ay ka tageen maadaama ay aheyd xilli habeen ah,isla markaana Ciidamada Booliska ay Goobta ka qaadeen ganacsiyadii yar yaraa ee yaallay Hareeraha wadooyinka.

Howlegalka ayaa sigaar ah waxaa uu uga dhacay agagaarka Suuqa Caanaha ee Magaalada Boosaaso,waxaana dad ku sugan Boosaaso ay allool news u sheegeen in Ciidamada ay Ganacsiga yar yar isugu geeyeen Garoon lagu Ciyaaro Kubbadda Cagta oo ku yaalla Magaalada Boosaaso.

Saakay waaberigii hore ayaa waxaa Suuqa tegay qaar kamid ah Ganacsatada leh Goobaha Ganacsiga ee la qaaday,waxaana la sheegay in Booliska ku wargeliyeen in aan marnaba la ogolaan doonin ku Ganacsiga Hareeraha wadooyinka.

Sidoo kale wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta uu dhacayo Shir u dhaxeeya Saraakiisha Booliska Gobolka Bari iyo Kan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here