Ra’iisul Wasaare Khayre oo dalbaday in baaris lagu sameeyo shaqaaqadii ka dhacay Dhuusamareeb

0
503

Waxaa saakay degan xaalada magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug, halkaas oo xalay dagaal kooban oo khasaaro geystay uu ku dhex-maray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo ilaalada hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca.

Isku socodka dadka iyo goobaha ganacsiga ayaa si caadi ah u shaqeynaya marka laga reebo wadooyinka gala xarumaha ay dagan yihiin madaxda dowlada oo lagu jarey biro iyo dhagaxaan farabadan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay waxaa uu la kulmay saraakiisha laamaha amniga magaalada iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, iyaga oo ka wada hadlay shaqaaqadii dhacday iyo sida ay ku timid.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Shaqaaqadaas loo saarey guddi baaris ah, kuwaas oo maanta tegaya goobtii iska hor imaadku ka dhacey ee afaafka hore ee xarunta Inji, iyaga oo su’aalo waydiin doono xubno labada dhinac ah oo goobjoog u ahaa sida wax u dheceen.

Sidoo kale war kooban oo kasoo baxay taliska Booliska Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay in boolisku uu baaris ku haayo israsaaseyntii koobneyd ee xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here