Wararkii U Danbeeyay Ee Kornayl Caare Oo Saaka Dib Loogu Soo Dhawaynayo Ciidamadii Qaranka 900 Oo Askari Oo Ku Gaashaman Gaadiid Ayaa Wararka sheegayan InDib Loo Qaramaynayo

0
414

Wararkii U Danbeeyay Ee Kornayl Caare Oo Saaka Dib Loogu Soo Dhawaynayo Ciidamadii Qaranka 900 Oo Askari Oo Ku Gaashaman Gaadiid Ayaa Wararka sheegayan InDib Loo Qaramaynayo

Wararka warbaahintu Helayso Ayaa Tibaaxaya In Caare Iyo Ciidankiisa Ay Saaka Dib Ula midoobayaan Ciidamada Qaranka wararka koobkooban Ee Aan Helayno Ayaa Tibaaxaya Sidan
Caare ayaa Ciidanka Qaranka Ku Wareejinaaya  Afar Guuto oo 900 Askari Tiradoodu Dhan Tahey, Tikniko iyo Qalab Kale.
Kornayl Siciid Cawil Caarre, oo xidhan dharka madax-dhaqameedka ayaa maanta guddida dhexdhexaadinaysay Jabhaddiisa iyo xukuumadda ku wareejiyay ciidankiisa iyo hubkoodii.
Buurta Daallo, ayaa lagu qabtay munaasabadda uu ku wareejinayay ciidamada.
Caarre, ayaa isaga loo badinayaa in uu dalka ka bixi doono si uu cafis u soo dalbado.
Arrintan soo afjarkeeda waxa kaalin weyn ka gaystay Odayaasha dhaqanka ee Beesha uu ka soo jeedo Kornayl Caarre.
bishii May sannadkii 2018-kii ayuu ka goostay ciidamada Somaliland isagoo noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee Beesha dhexe ka soo jeeda kaas oo Jabhad samaysta intii Somaliland lagu dhawaaqay.
Caarre, oo markii hore ka cadhooday dagaal Beeleed ka socday Ceel-Afweyn ayaa markii danbe ku dooday in uu u halgamayo sidii uu meesha uga saari lahaa Caddaalad darro uu sheegay in ay ka jirto qaab dhismeedka xukuumadda Somaliland.
Saddex jeer ayaan waraystay Kornayl Caarre, waxa uu ahaa nin markasta ku celceliya Jamhuuriyadda Somaliland xattaa mar uu ku sugnaa gudaha Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here