Xisbiyada Macaaradka Ah Ee Soomaliya Oo Tuhun galiyay Xogo Haayada Nabad Sugida Iyo Sirdoonku Ku Sheegtay In Qaraxii Ex Kaantarol Afgooye Ka Dhacay Dalal Shisheeye Ka Danbeeyen

0
360
Xisbiyada Macaaradka Ah Ee Soomaliya Oo Tuhun galiyay Xogo Haayada Nabad Sugida Iyo Sirdoonku Ku Sheegtay In Qaraxii Ex Kaantarol Afgooye Ka Dhacay Dalal Shisheeye Ka Danbeeyen

Madasha Xisbiyada Qaran oo Ay Ku Midaysan Yihiin Xisbiyada Himilo Qaran Iyo Xisbiga Midawga Nabada Iyo Dumuqraadiyada Oo Ka Hadlay Xogaha Nisa ee Qaraxii Ex Kaantarol Afgooye
“Warka NISA ma wato habayaraatee wax cadeymo ah oo lagu qanci karo wuxuuna u muuqdaa mid xaqiiqda jirta lagu daboolayo ujeedooyin qarsoon ayaana laga lahaa oo ay kamid yihiin 1: in lagu raali geliyo daneestayaal shisheeye oo qeyb ka ah loolanka awoodeed ee ka dhaxeeya wadamada danaha ka leh gobalka gaar ahaan Soomaaliya. 2: in lagu marin habaabiyo umadda Soomaaliyeed oo aad uga xumaatay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay Qaraxii EX-Kontarool Afgooye.
Waxaa yaab leh in Madaxda Qaranka oo mas’uuliyadda ugu weyn ay ka saaran tahay amniga ineysan qaadin wax tallaab ah oo wax looga qabanayo amniga dalka ayna ku fiirsanayaan kuwii ku fashilmay iney wax ka qabtaan” Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here