20 Askari Oo Ka Tirsan Ciidamada Mali Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Dalkaasi

0
385

Labaatan askari oo ka tirsan laamaha ammaanka dalka Mali ayaa lagu dilay weerar ay soo qaadeen mintidiin Islaami ah, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Weerarka ayaa aroornimadii shalay oo Axad ahayd ka dhacay saldhigga milatari ee Sokolo ee gobolka Segou.

Sarkaal la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in rag hubeysan oo saaran mootooyin ay halkaasi weerareen isla markaana dhammaan ciidamada la laayay ay ka tirsanaayeen booliska sida milatariga u tababaran.

Mintidiin lala xiriirnayo kooxda la baxda Dowladda Islaamka iyo kuwa Al-Qaacidda ayaa indhawaale weerar ka geysanayay dalkaasi Mali iyo guud ahaan gobolka.

Dhammaadkii sanadkii la soo dhaafay ayaa mintidiin waxay 24 askari oo ka tirsan milatariga dalkaasi ku dileen bariga dalkaasi Mali. Usbuucyo ka horna, 54 askari ayaa lagu dilay weerar kale oo isla dalkaasi ka dhacay.

Weerarkan u dambeeyay ayuu milatariga sheegay in mintidiintu ay qaarna burburiyeen qaarna rarteen saanaddii milatari ee saldhiggaasi tiilay. Shan askari ayaa weerarkaasi ku dhaawacan tahay waxaana ka badbaaday 60 kale.

Qof goobjooge ah ayaa saldhigga uu weerarka ka dhacay ku tilmaamay “meel uu jahawareer ka dhacay”.

mali

Shalay galab ayaa la aasay askartii weerarkaasi ku dhimatay.

Dalka Mali ayaa waxaa hareeyay rabshado tan iyo sanadkii 2012, xilligaasi oo mintidiin Islaami ah ay la wareegeen kacdoonkii kooxdii gooni u goosadka ee Tuwaariq ee ka jiray woqooyiga dalkaasi ka dibna waxay la wareegeen dhawr magaalo oo ku yaal gobolkaasi.

Ciidamada Mali ayay u suurtagashay in ay gobolkaasi dib u qabsadaan, iyaga oo gacan ka helyay milatariga dalka Faransiiska oo gobolkaasi geeyay 4,500 oo askari. Qaramada Midoobey ayaa waxaa dalkaasi Mali ka jooga 13,000 askari oo ka tirsan hawlgalkeeda nabad ilaalinta.

Balse kumannaan qof ayaa ku dhintay rabshadihii dalkaasi ka jiray, kuwaasi oo markii dambe ku faafay waddamada deriska ah ee Burkina Faso iyo Niger.

La dagaalanka kooxaha mintidiinta ee ka hawlgalaya gobolka Saaxil ayaa muhiim u ah ammaanka waddamo kale oo ay ku jiraan kuwa reer Yurub.

Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska, Florence Parly, ayaa hadda u sii socda dalka Mareykanka, si xukuumadda Washington uu ugu soo qanciyo in ay sii waddo taageerada dhanka mukhaabaraadka ee ay siin jirtay ciidamada Faransiiska eek a hawlgalaya gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here