Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un Eedadii Oo Lix Sanadood Kaddib Markale La Arkay

0
398

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi eedadii ayaa waxaa lagu arkay meel fagaara ah markii ugu horraysay tan iyo markii la dilay ninkeeda sanaddii 2013.

Kim Kyong-hui waxaa dhalay aasaasihii Kuuriyada Waqooyi, Kim Il-sung, waxa ayna la dhalay hogaamiyihii hore Him Jong-il.

Lama arag tan iyo markii uu ninkeedii Chang Song-thaek khaarijiyay wiilka ay eedada u tahay kaas oo u qabsaday inuu ku jiray “ficillo khiyaano ah”.

Hasayeeshee Axaddii, ayaa sawir ay shaacisay warbaahinta dowladda waxaa ka soo muuqday Kim Kyong-hui oo waqti wanaagsan ku qaadanaysa debaaldegga sanadka cusub.

Sawirka ay baahisay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi KCNA, ayaa muujinaya Kim Kyong-hui oo ag fadhisa Kim Jong-un iyo xaaskiisa oo ku wada sugan tiyaatar ku yaal magaalada Pyongyang. Sidoo kale waxaa lagu daray liiska madaxda heerka sare ee xafladdaasi ka qeybgalaysay.

Oliver Hotham, tifaftiraha NK News, kaas oo baahiya wararka dalkaas go’doonsan, ayaa sheegay in soo muuqashada haweenaydaas ay aheyd mid layaab leh.

“Inta badan dadka la socda arrimaha Kuuriyada Waqooyi waxa ay u malaynayeen in Kim Kyong-hui ay dibad joog noqotay amaba la dilay kaddib dhimashadii ninkeeda,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

 

Inay ka soo garab muuqato hogaamiyaha ayaa waxa ay muujinaysaa inay booskeeda xagsatay amaba ay soo ceshatay galaangalkii muhiimka ahaa ee ay laheyd, ayuu ku daray – oo ay suuragal tahay inay lataliye noqotay.

“Waxa ay sidoo kale xusuus u tahay sida uu u arxan daran yahay maamulka Kuuriyada Waqooyi, oo ugu dambayntii ay garab fadhiso ninkii amray dilka ninkeeda.”

Kim Kyong-hui iyo ninkeeda Chang Song-thaek ayaa waxa ay dowr muhiim ah ka ciyaari jireen qaranka Kuuriyada Waqooyi waqtigii wiilka ay eedada u tahay uu ku socday dhabbihii uu xilka kula wareegayay ku dhawaad toban sanadood ka hor.

Graphic showing family tree of North Korea's ruling elite

Mr Kim ayaa waxa uu xilka kala wareegay aabihii 2011, waxaana si wayn loo rumaysan yahay in Mr Chang uu ka mid ahaa dadkii latalin jiray intii uu la qabsanayay maamulka dalka.

Hasayeeshee laba sanadood kaddib maamulka hogaamiyaha cusub, ayaa ilaalo hubaysan waxa ay si layaab leh Mr Chang ugala baxeen shir uu ku jiray. Bayaanno rasmi ah oo soo baxay ayaa tilmaamay inuu qirtay inuu isku dayay inuu qaranka afgambiyo, iyo in durbadiiba la dilay.

Dad badan oo la socda xaaladda Kuuriyada Waqooyi ayaa rumaysan in loo maleeyay inuu halis ku yahay hogaamiyahan da’da yar, dilkiisana uu qeyb ka ahaa howlgal nadiifin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here