Madaafiic Lagu Weeraray Safaaradda Mareykanka Ee Baqdaad

0
328

Saddex madfac ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu weeraray dhismaha safaaradda Mareykanka ee Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa kusoo warrantay in mid kamid ah madaafiicdaas uu ku dhacay maqaaxi ku taala gudaha dhismaha safaaradda, halka labada kalena ay ku dhaceen meel aan sidaa uga fogeyn.

Sidoo kale Reuters oo soo xiganeysa ilo dhanka ammaankaa ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhaawacmeen, waxaana ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo shaqaale katirsan safaaradda Mareykanka ee dalkaas ay ku dhaawacmaan weerar noocan oo kale ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaas, haseyeeshee Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay kooxaha taabacsan Iran ee ka dagaalama gudaha dalka Ciraaq.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, Adel Abdul Mahdi ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna sheegay in sii socoshada falalka noocan oo oo kale ay dalka Ciraaq ka dhigeyso goob dagaal.

Dowladda Mareykanka ayaa dhiggeeda Ciraaq ugu baaqday in ay gudato waajibaadkeeda ah ilaalinta diblomaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan dalkaas.

Safaaradda Mareykanka ee Ciraaq

Weeraradan ayaa waxaa ka horeeyay kuwa kale oo lagu bartilmaameedsaday safaaradda Mareykanka iyo saldhigyo ay ku sugan yihiin ciidamada Ciraaq iyo kuwa Amerikaanka.

Dalka Ciraaq ayaa u muuqda mid dhexda ka galay dagaalka u dhaxeeya dalalka Iran iyo Mareykanka oo muddooyinkii dambe gaaray halkii ugu xumeyd, kadib markii Mareykanka ay duqeyn ku dileen Jeneraal Qasem Soleimani oo madax ka ahaa ciidanka Quds ee Iran

Mareykanka ayaa Qasem Suleimani ku dilay meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baqdad.

Waxaa sidoo kale weerarka lagu dilay Abu Mahdi al-Muhandis, oo hogaamiye u ahaa mid kamid ah kooxaha taabacsan Iran ee ka dagaalama gudaha Ciraaq.

Moqtada al-Sadr oo ah wadaad mayal adag oo Shiica ah ayaa abaabulay dibadbaxyo looga soo horjeedo Mareykanka, si cadaadis loogu saaro in ciidamadooda ay kala baxaan Ciraaq.

Taageerayaasha Sadr ayaa markii hore qeyb ka ahaa dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Dowladda Ciraaq, kahor inta aanay usoo jeedsan Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here