Trump Oo U Muuqda In Uu Ka Badbaadayo Eedeymaha Loo Haysto

0
450

Xildhibaannada aqalka sare ee Mareykanka ayaa qaadacay in dad markhaatiyo ah loo yeero xilliga ay socoto dhageysiga dacwadda xil ka qaadista madaxweyne Trump, arrintaasi oo fududeynayso in la soo afjaro dacwaddaasi.

Madaxweyne Trump ayaa la filayaa in dacwaddaasi looga bari yeelo codbixin dhici doonto maalinta Arbacada ahi.

Xildhibaannada xisbiga Dimuquraadiga ayaa rajaynayay in ay xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ka helaan afar cod oo ka caawin lahaa in golahani la hor keeno ku markhaati furo dacwadda loo haysto Trump balse taasi ma aysan suurtagelin oo waxay Jamhuurigu ka heleen laba cod oo kaliya.

Dacwadda ka dhanka ah Trump ayaa horey u sii socon lahayd haddii saddex xildhibaan oo Jamhuuriga ka tirsan ay taageeri lahaayeen qorshaha xisbiga Dimuquraadigu ee lagu doonayay in markhaatiyo lagu hor keeno aqalka sare.

Arbacada soo socota ayaa cod loo qaadi doonaa in madaxweyne Trump laga beri yeelo eedeymaha loo haysto iyo in kale.

Xubnaha rug cadaaga ah ee ka tirsan xisbiga madaxweyne Trump ee Jamhuurigu ayaa gadaal ka riixayay in aanan golahani la horkeenin markhaatiyaal ama cadeymoo ka dhan ah Trump, waxayna ujeeddadoodu ugu weyn ahayd in Dimuquraadiyiintu aysan u suurtagelin iney aqalka horkeenaan la talihii hore ee arrimaha ammaanka qaranka John Bolton.

Wargeyska The New York Times ayaa qoray warbixin uu ku sheegay in buugga uu qoray Bolton ay ku jiraan xog xasaasi ah oo liddi ku ah Madaxweyne Trump.

Bolton ayaa sheegay in Trump uu Ukraine ka dalbaday in ay baaritaan ku sameeyaan Joe Biden, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, oo haatan doonaya in uu siyaasadda kula loollamo madaxweyne Donald Trump.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa dib u celiyay daabacaadda buugga uu qoray John Bolton, iyaga oo sababta ku sheegay walaac dhanka ammaanka ahi.

Golaha Ammaanka ee Qaranka Mareykanka ayaa sheegay in buuggani uu xambaarsan yahay xog sir ah oo xasaasi ah, taasi oo ay sheegeen in ay tahay in laga saaro buugga ka hor inta aan la daabicin.

Trump ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira ku tagrifal awoodeed iyo in uu u hoggaansami waayay golaha wakiillada dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyay inuu Ukraine ka xannibay lacag dhan 391 milyan oo doolar, taasi oo ahayd gargaar milatari oo uu Mareykanku ku caawin jiray waddankaasi.

Ujeedada Trump uu u xayiray lacagtaasi ayaa lagu sheegay in ay ahayd in madaxweynaha Ukraine uu cadaadis ku saaro sidii uu ugu dhawaaqi lahaa in la billaabayo baaritaan la xiriira musuqmaasuq oo ka dhan ah siyaasiga ay iska soo horjeedaan ee Joe Biden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here