Gudniinka Fircooniga: Gabdh Naftu Daysay Iyadoo La Gudayo

0
508

Booliska ayaa xabsiga u taxaabay waalidiinta gabdha 14 sano jir ah oo dhimatay iyadoo ku guda jirta Gudniinka fircooniga ah ee dumarka. Waxaa sidoo kale la xiray dakhtarkii lagu eedeeyay inuu fuliyay hawsha gudniinka.

Dhamaan afartii qof ee ku lug lahayd ayaa haatan gacanta lagu dhigay ka dib markii gabadha geeriyootay adeerkeed uu maamulka ku wargeliyay dhacdada, sida ay saraakiishu u sheegeen BBC-da.

Gudniinka fircooniga ah ayaa dalka Masar laga mamnuucay sannadkii 2018-kii balse dalkaasi ayaa weli ka mid ah waddamada caalamka ee tirada ugu daban ee gabdhaha la gudo.

Sida ay sheegtay hay’adda Unicef 87% gabdhaha iyo haweenku da’doodu u dhaxeeyso 15 ilaa 49 ay gudniinka fircooniga soo mareen, iyadoo 50% dadka reer Masar ay aaminsan yihiin in gudniinkani yahay mid diintooda ay fartay.

Kiiskan ugu dambeeyay ee Nada Abdul Maksoud ayaa lagu fuliyay isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Asyut sida ay soo werisay warbaahinta Shorouk.

Muxuu yahay gudniinka fircooniga ah?

  • Gudniinka fircooniga ah waxaa la jaraa qeybo ka mid ah xubinta taranka ee haweenka.
  • Waa dhaqan ay ku dhaqmaan Muslimiin iyo masiixiyiintuba.
  • Waxaa inta badan lagu fuliyaa gabdhaha da’doodu ka hoseeysa 15 sano jir.
  • Qiyaas ahaan in ka badan 200 oo milyan oo haween ah ayaa la sheegay iney la dhibaateysan yihiin gudniinka fircooniga ah.

Qaybaha gudniinka fircooniga

Gudniinka fircooniga ah ayaa waxaa ka dhasha dhibaatooyin caafimaad oo badan.

Qaybta kowaad iyo qaybta labaad ayaa ah kuwa ka sahlan qaybta sedexaad.

Waxaa laga yaabaa in marka hore lagu bilaabo in la gooyo cadka dhexe ka dib na la gooyo bushimaha qaybta hoosi.

Qaybta saddexaad ee gudniinka fircooniga ah ayaa waxa ay tahay mid ugu daran islamarkana horseedda dhibaato badan.

Qaybta fircooniga ee adag ayaa waxay tahay in marka gudniinka la sameeyo ka dib la jaraa bishimaha oo markaa la tolaa taana waxaa loo yaqaanaa qodob, gabadhiina waxaa loo reebayaa meel yar oo ay kaadida kaliya soo marto.

Dhibaatooyiinka ka dhasha gudniinka fircooniga.

Gudniinka fircooniga ayaa wax ka dhasha dhibaatooyiin badan oo soo gaara gabadha marka la gudo.

Dhibaatooyiinkan ayaa u qaybsan dhibaatooyiin dhaw iyo kuwa mustaqbalka Fog gabadha ku yimaada.

Dhibaatooyiinka koobaad ee gabadha la soo gudboonaada marka la gudo ayaa waxaa ka mid ah dhiigbax,iyo caabuq ka dhasha gudniinka.

Marka laga soo tago dhibaatooyiinka gabadha ku yimaada islamarka la gudo, waxaa jira dhibaatooyiin mustaqbalka fog ay kala kulanto gudniinka. Dhibaatooyiinkan ayaa waxa ay yimaadaan sanado ka dib marka gabadha gudniinka lagu sameeyo.

Waxayna gabadha ku billaabmaan marka caadada ama dhiiga ay hesho iyo marka la guursado.

Gabdha lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah ayaa marka la guursado waxa qasab ah mararka qaar in xubinta tareenka la furo.

Si kastaba ha ahaatee, iyada oo aqoonta loo leeyahay dhibaatada caadadan ay korortay, ayaa haddane waxaa wali jira waalidiin tiro badan oo gabdhahooda u guda sida qaldan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here