Wararka Runta Ah Iyo Kuwa Beenta Ah Ee Ku Saabsan Caabuqa Corona

0
815

Tirada dadka u dhintay caabuqa corona ayaa gaartay 170 ruux, iyadoo ilaa 7700 oo qofka la xaqiijiyay in uu ku dhacay gudaha dalka Shiinaha. Cudurkan ayaa sidoo kale ku fiday ugu yaraan 15 waddan oo kale.

Laakiin cudurka oo kaliya ma aha waxa ku fiday caalamka, waxaa sidoo kale aad dunida loogu fidiyay xog been abuur ah oo ku saabsan caabuqaas iyo warar sheegaya inuu yahay wax qaab sir ah loo qorsheeyay oo caalamka lagu waxyeelleynayo.

Inkastoo macluumaad sax ah lasii gudbinayay, haddana waxaa jiray kuwo aan run ahayn oo cabsi badan abuuray.

BBC-da ayaa eegeysa halkii ay kasoo baxeen wararkaas.

.

Muuqaallada maraqa Kibilliga(Fiidmeer)

Markii ugu horreysayba dadku waxay isla dhex marayeen sababta uu ku yimid caabuqa corona, iyagoo ku xiriiraya baraha bulshada.

Waxaa arrintan sii huriyay muuqaallo isdaba joog ahaa oo muujinayay dad Shiineys ah oo cunaya kibilliga, xilli cudurkan halista ahna uu ka dillaacay magaalada Wuhan.

Mid ka mid ah muuqalladaas ayaa lagu arkayay haweeney Shiineys ah oo iyadoo dhoollacaddeyneysa gacanta ku heysa kibilli bisil, ka hor inta aysan qirin inuu u dhadhamo “sida hilibka digaagga”.

Muuqaalkan wuxuu caro badan ka dhaliyay baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ay dadka Shiineyska ah ku eedeeyeen in waxyaabaha ay cunaan ay dhaliyaan cudurro halis galiya dunida.

Laakiin sida xaqiiqda ah, muuqaalkaas laguma duubin magaalada Wuhan iyoi dalka Shiinaha toona, ujeeddadiisuna ma ahayn sidaas.

Waa muuqaal la duubay sanadkii 2016-kii, wuxuuna muujinayaa qof caan ku ah sameynta muuqaallada youtube-ka ee safarrada ahna qof marti galiya dadka safra oo lagu magacaabo Mengyun Wang during. Waxaa laga duubay mar ay safar booqasho ah ku joogtay magaalada Palau ee ku taalla jasiiradda galbeedka badweynta Pacific dhacda ee lagu magacaabo archipelago.

Muuqaalkan wuxuu dib usoo labakacleeyay markii uu caabuqa corona kasoo ifbaxay magaalada Wuhan, dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay.

Ka dib markii si weyn loogu cambaareeyay dhinaca internet-ka, Ms Wang waxay bixisay raalligalin iyadoo tiri: “Kaliya waxaan isku dayayay inaan daawadeyaasheyda tuso nolosha dadka ku sugnaa deegaankii aan booqday, mana ogeyn in hilibka xayawaankaas uu dhalin karo caabuq”.

Waxaa la aaminsan yahay in coronavirus uu ka soo dhashay hilibka xayawaanka duur joogta ah ee sida sharci darrada ah loogu iibiyo suuq loogu talagalay hilibka xayawannada badda oo ku yaalla magaalada Wuhan.

Inkastoo cilmibaaris dhawaan laga sameeyay Shiinaha ay muujisay in kibilliga laga qaadi karo caabuq, haddana ma jirto caddeyn sax ah oo loo hayo in maraqiisa uu waxyeello keeni karo, waliba waxaa socda baaritaannada lagu wado sababta rasmiga ah ee keentay coronavirus.

.

Cudurka dillaacay ‘waa mid lasoo qorsheeyay’

Ka dib markii uu Mareykanka xaqiijiyay inuu caabuqaas gaaray isbuucii lasoo dhaafay, waxaa baraha bulshada ee Twitter-ka iyo Facebook la iskula dhex marayay warar ku saabsan in khubarada caafimaadka ee shiinaha ay sannado badan ka hor kasii war qabeen inuu caabuqaas dillaaci doono.

Mid ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee eedeyntaas shaaciyay waa Jordan Sather, oo ka faallooda arrimaha sida qarsoodiga ah loo diyaariyo ee waxyeellada keena, sidoo kalena youtube-le ah.

Hadalkiisa ayaa kumannaan jeer lagu sii faafiyay barta Twitter-ka.

Sather wuxuu sheegay in dad is kaashaday ay caabuqa abuureen si ay tallaalkiisa uga macaashaan.

Wuxuu intaas ku daray in hay’adda Bill & Melinda Gates ay kharash ku taageertay tallaalka lagu sheegay in loogu tala galay caaquqaas.

Balse sida dhabta ah tallaalkaas ma aha mid loogu talagalay caabuqan cusub ee corona. Waa mid loo sameeyay in lagu daweeyo caabuq kale oo hoos taga waaxda caabuqyada ee coronovirus.

Sidoo kale afhayeen u hadlay qolada u xilsaaran sameynta tallaalkaas ayaa warbaahinta u sheegtay inaysan wax taageero dhaqaale ah ka helin hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation.

.

Caaquqan oo la sheegay “in hub ahaan loo adeegsaday”.

War kale oo aan sal iyo raad toona lahayn waxaa lagu faafiyay in caabuqan ay dowladda Shiinaha ugu adeegsaneyso hub ahaan, dhinaca caafimaadka.

Warbaahinno badan oo uu ka mid yahay wargeyska Washington Times ayaa ka hadlay qodobkaas, wuxuuna ka qoray labo sheeko oo uu kusoo xigtay khubaro.

Hase ahaatee ma jirto wax caddeyn ah oo loo hayo sheegashooyinkaas.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionWarar aan sal iyo raad lahayn ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay caabuqan u isticmaaleyso hub ahaan

Wargeys kale oo lagu magacaabo The Daily Star ayaa qoray war kaas la mid ah oo malaayiin ruux oo kale ay sii faafiyeen.

Labada warbaahinba waxaa loo maleynayaa inay shacbiyad ku raadinayeen qoraalladaas.

BBC-da ayaa isku dayday inay Washington Times weydiiso sida ay u arkaan eedeynta loo jeediyay.

‘Kooxda jaajuusiinta’

War kale oo aan caddeyn loo heynin ayaa caabuqan la xiriiriyay cilmibaare ka tirsaneyd sheybaarka qaran ee Canada.

.

Haweeney lagu magacaabo Dr Xiangguo Qiu, iyo seygeeda oo kasoo jeeda dalka Shiinaha ayaa lagu tuhmay inay isku dayayeen jabinta sharciga sheybaarka, ka dibna waa laga eryay shaqada.

Dr Qiu ayaa ka dib la sheegay inay labo jeer booqatay sheybaar ku yaalla Wuhan. Waxaa kale oo la sheegay inay iyada iyo seygeedaba ka mid ahaayeen “koox jaajuusiin ah oo ay soo dirtay dowladda Shiinaha”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here