Guddoomiye Ciro Oo Ciidanka Qaranka Somaliland Ku Hambalyeeyay Sanad Gurada 26aad”

0
373

Guddoomiyaha Wadani Oo Ciidanka Qaranka Ku Hambalyeeyay Sanad Gurada 26aad Ee Aasaskooda.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu dhammbaal hambalyo ah u dirayaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland sannad guurada 26-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Qaranka. Waxa uu Guddoomiyuhu si diirran u bogaadinayaa Ciidamada Qaranka, Saraakiisha, Saraakiil ku-xigeenada, dableyda, xaasaskooda iyo caruurtooda oo uu nolol wacan iyo horumar u rejaynayo.

Xuska halyeyada iyo naftood hurayaasha Ciidanka Qaranku waa xus qaran oo huwan xurmo qaran, sidaa darteedna Xisbiga WADDANI waxa aanu marnaba hilmaamayn kaalinta weyn ee Ciidanka Qaranku ku leeyihiin amniga Jamhuuriyadda Soomaalilaan. Xisbiga WADDANI waxa uu qirsan yahay in Ciidanka Qaranku yahay cuddudda ciida iyo calankaba cadowga kaga deyran.

Xisbiga WADDANI waxa uu aamminsan yahay in Ciidanka Qaranku yahay astaantii qaranimada iyo jiritaanka dawladnimada, in uu yahay hu’gii iyo hadhkii Shacabka Jamhuuriyadda Soomaalilaan, iyo in ay yihiin lama-huraan lagu ladey oo lagu ladnaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here