Xog Hoose: Xoghaye Ramaax oo Kala dooranaya in xil lasiiyo iyo in la mustaafiriyo

0
426

waxaa xukumada madaxweyne muuse biixi xabsiga u taxaabtay xoghayaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid maxamuud cali saleebaan ramaax.

Xoghaye ramaax oo mudadii uu xilka ka hayey xisbiga ucid looga bartay dhaliilaha ugu culus inuu dusha ka saaro xukumada iyo madaxweyne muuse biixi cabdi ayaa lagu soo eedeyey in uu hadal gef ah kula kacay gudomiyaha baarlamaanka somaliland baashe maxamed farax.

Inkastoo gudomiye baashe uu maalmo kadib ka noqday dacwadii uu ka gudbiyey, xoghaye ramaax, hadana waxaa dhacday in xabsiga lagu sii hayo xogahaha oo ka mid ah mucaradka ugu cadcad ee wakhtigan ka jira gudaha somaliland.

13 bishii kowaad ee sanadkan 2020 waxaa xoriyadiisi dib u heley maxamuud cali saleebaan ramaax, waxaa la sheegay in lagu sii daayey damaanad wadata shuruud ah in aanu hadal oo uu hakiyo dhaliilaha uu xukumada ku hurgufi jirey inta xal rasmi ah laga gaadhayo colaada siyaasadeed ee dhex taal isaga iyo madaxweynaha somaliland.

Warar hoose oo ku soo dhacaya miiska warbaahinta Allool waxay sheegayan in ay jiraan wada hadalo u dhexeeya xukumada iyo ramaax,
Wada hadaladaas ayaa la tilmaamay in ay yihiin kuwo leesugu soo dhoweynayo labada dhinac.

Mawqafka ama ujeedada wada hadalada ayaa wararku sheegayaan in ay ka mid tahay xil looso magacaabo xoghaye ramaax si xal looga gaadho isku dhaca ramaax iyo madaxweyne biixi.

Xukumadu waxay ogtahay in ay adag tahay in xabsi lagu hayo siyaasigan kadib markii caruur uu dhalay dacwad kaga furtay xukumada dalka mareykanka.

Sidoo kale siyaasi ramaax wuxuu ogyahay in aanu u babac dhigi karin xukumada somaliland iyo madaxweyne biixi oo ah madaxweyne aad u gacan kulul.

Labadas marka la eego waxay wararku tibaxayaan in ay macquul tahay in heshiis laga gaadho wada hadaladan.

Haddi lagu guul dareysto in heshiis laga gaadho waxaa dhici karta in xoghaye ramaax dalka debeda looga mustafiriyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here