Askar Ka Tirsan Booliska Somaliland Oo Dil Iyo Xadhig Lagu Xukumay.

0
324

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa xukunno dil iyo xadhig ah ku xukuntay saddex askari oo ka tirsan ciidanka Booliska.

Maxkamadda ayaa Maxamed Yaasiin Faarax oo ah askari boolis ah ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo lagu helay in uu magaalada Wajaale agteeda ku dilay Marxuum Caydaruus Maxamed Daahir.

 

Sidoo kale, maxkamaddu waxay 11 sano oo xadhig ah ku xukuntay labada askari ee kala ah: Cabdinaasir Maxamuud Guuleed iyo Cumar Maxamed Cabdi, kuwaasi oo iyagana la sheegay in ay xidhiidh la lahaayeen falkan dilka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here