Booliska London Oo Toogtay Nin Mindi Ku Dhaawacay Saddex Qof.

0
341

Ciidamada Booliska ee magaalada London ayaa toogtay nin dad ku weeraray wado mashquul badan oo ku taala koonfurta magaalada London.

 

 

Weerarka Mindida ah ayuu ku dhaawacay saddex qof, waxaanay ciidamada bileysku ay ku sifeeyeen oo ay la xidhiidhiyeen fal Argagixiso. Mid ka mid ah saddexda qof ee dhaawacmay ayaa xaaladd culus ku jira.

Waxaana markii dambe ciidamada bileysku ay ku toogteen badhtamaha wadada Streatham.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ninka ku hubaysnaa Mindidu uu galay dukaan kadibna uu bilaabay inuu dadka Mindida la dhaco ama ku weeraro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here