Arday Ku Dhimatay Is Eryad Ka Dhacday Dalka Kenya

0
377

Ugu yaraan 14 arday ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday iskuul hoose dhexe oo ku yaalla galbeedka dalka Kenya, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Dhacdadan ayaa ka dhacday iskuulka hoose dhexe ee Kakamega.

Kakamega ayaa ku taalla waqooyiga galbeed ee caasimadda Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in markii ay isbuurashadani ay dhacaysay ay ardada iskuulka ka soo baxayeen.

Wasiirka waxbarshada ee Kenya George Magoha ayaa dhimashada 14 qof u xaqiijiyay warbaahinta gudaha.

“Geerida caruurta waa mid xanuun badan, waxaan tacsi u dirayaa waalidiintii ay ka geeriyoodeen caruurtaasi,” waxaa uu sidaa u sheegay Mr Magoha telefishinka maxaliga ah ee Citizen TV.

Ku dhawaad 40 arday oo kale ayaa ku dhaawacmay isbuurashadani kuwaasi oo qaarkood uu dhaawacoodu halis yahay.

Sababta dhalisay isbuurashadan ayaan wali caddeyn.

Booliiska ayaa wada baaritaano

Balse taliyaha saldhiga booliiska Kakamega David Kabena ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in baaritaano ay samayn doonaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ardayda ay la duntay jaraanjaro ay ku ordayeen.

Wariyayaasha ayaa sheegaya in dhacdadan ay keenayso su’aalo la iska waydiiyo badqabka caruurta ku sugan iskuulada.

Raila Odinga, oo horey u ahaa rai’sul wasaraha Kenya imikana ah hogaamiyaha mucaaradka ayaa ku baaqay in baaritaan degdeg ah arrintan lagu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here