Hay’ad Caalami Ah Oo Kenya Ka Dalbatay Inay Xidho Cabdirashiid Janan Una Dhiibto Soomaaliya

0
334

Hay’adda caalamiga ah ee u doodda xuquuqda aadanaha, Amnesty International, ayaa maanta oo Isniin ah soo saartay war-saxaafadeed ay dowladda Kenya uga dalbatay inay xirto wasiirka amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, ka dibna u gacan galiso xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Amnesty ayaa sheegtay inay dooneyso in Cabdirashiin Xassan Cabdinuur, oo loo yaqaanno Janan lagu maxkamadeeyo magaalada Muqdisho, sida ay ku xustay bayaankeeda.

“Wasiirka Amniga dowlad goboleedka ee Soomaaliya loogu xiray ‘dambiyo aad u culus’ 31-kii August, 2019, kaasoo dhawaan ka baxsaday xabsigii lagu hayay, kuna sugan Kenya, waa in la celiyo si uu caddaaladda u wajaho”, ayey tiri Amnesty International.

Seif Magango, oo ah agaasime ku xigeenka Amnesty International ee bariga Afrika ayaa yiri: “Wax la aqbali karo ma aha in Cabdirashiid Janan, oo lagu tuhunsan yahay inuu mas’uul ka yahay dambiyo xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah iyo kuwo ka dhan ah bani’aadamnimada, uu isku dayo inuu ka baxsado caddaaladda”.

“Dowladda Kenya waa inay si deg deg ah u xirto uguna gacan galiso Dowladda Federaalka Soomaalia, taasoo laga dhowrayo inay ku qaaddo dacwad waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee caddaaladda ah, arrintaasna aan laga sii daahin. Dadka dhibbaneyaasha u ah dambiyada lagu eedeeyay waxay si dulqaad leh u sugeen caddaalad rajadoodana ma aha in la burburiyo”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Amnesty International ayaa intaas ku dartay in ay ilo xog ogaal ah ka heshay warka ku saabsan in Janan uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee caasimadda u ah daka Kenya.

Ma jiro wax war ah oo ay dowladda Kenya kasoo saartay arrintan, mana noo suurtagalin isku dayo aan u sameynay inaan la xiriirno saraakiisha.

Taliska booliska Soomaaliya ayaa 28-kii bishii lasoo dhaafay xaqiijiyay in Cabdirashiid Janan uu ka baxsaday xabsi lagu hayay oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay inay ku raad joogeen.

Hase ahaatee, dhowr maalmood ka dib waxaa soo baxay warar sheegayay inuu Janan ka dagay dekedda magaalada Kismaayo, ka dibna diyaarad khaas ah lagu geeyay magaalada Nairobi.

Sida ay wararka sheegayaan, Cabdirashiid Janan wuxuu Kismaayo ku gaaray doon, balse ma cadda meesha ay doontaas ka soo qaaday.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo shakhsi ahaan uga soo baxay Janan, mana jiro sawir ama muuqaal laga hayo tan iyo markii uu baxsaday.

.

Ilo xog ogaal ah ayaa BBC-da u sheegay in diyaarad khaas ah oo ay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland la socdeen looga soo qaaday magaalada Kismaayo, sidaasna uu uga dagay Nairobi.

Janan oo baxsashadiisa si weyn loo hadal hayay ayaa la sheegay inuu hadda nabad qabo, wuxuuna ka gaabsaday inuu warbaahinta la hadlo.

Cabdirashiid Janan waxaa la xiray bishii August, 2019-kii waxaana lagu eedeeyay “dambiyo culus” oo uu galay. Tan iyo xlligaasna, hal mar ayaa maxkamad la hor-geeyay.

Dowladda jubbaland waxay markii hore xariggiisa ku tilmaamtay afduub, waxayna dalbatay in shuruud la’aan lagu sii daayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here