$7,000 Oo Doolar Ayuu Ku Soo Galay Garoonka Ay Ciyaarta Ka Socotay, Wuuna Iska Seexday

0
370

Maalintii Axadda, nin taageere kubadda cagta ah ayaa dad badan ka yaabiyay ka dib markii uu ku seexday kursigiisa, xilli ay socotay ciyaar aad u xiiso badan oo ka dhaceysay dalka Mareykanka.

Arrinta la yaabka leh waxay ahayd in ninkani uu galitaanka garoonka ay ciyaartaas ka dhaceysay ku bixiyay lacag dhan $7,000 oo doolar, ka dibna uu iska seexday ciyaarta oo qeybihii ugu horreeyay mareysa.

Muuqaal ku faafay Twitter-ka, oo ay garoonka dhexdiisa ku qaadday gabar wariye ah oo lagu magacaabo Karisa Maxwell, ayaa lagu arkayay ninka oo kursigiisa ku fadhiya, madaxana ku tiiriyay darbiga garoonka, gacmihiisa ay isasaaran yihiin, indhahana isku haya.

Taageerayaasha kale ee agtiisa joogay ayaa aad ugu mashquulsanaa daawashada ciyaarta weyn ee socotay, waxayna qaarkood xitaa ku daawanayeen taagnida.

Gabadha muuqaalka ka duubtay ayaa barteeda Twitter-ka soo galisay, iyadoo raacisay qoraal ah: “Ninkan wuxuu dhex hurdaa ciyaarta #SuperBowl. Haddana waxaan ku jirtaa qeybtii ugu horreysay ee ciyaarta”.

 

.

Maxay tahay ciyaarta?

Ciyaarta uu ninka lacagta badan ku bixiyay balse uu ku seexday ayaa ah nooc kubadda cagta ka mid ah oo laga ciyaaro waddanka Mareykanka, laakiin ka duwan ciyaaraha kubadda cagta ee loo badan yahay.

Qiimaha celceliska ah ee laga qaado halkii qof ee galaya garoonka ayaa lagu qiyaasay $7,000 oo doolar, inkastoo mararka qaar ay ka badan tahay mararka qaarna ka yartahay intaas.

Waxaa ciyaartan ku kulmay labada kooxod ee lagu kala magacaabo Kansas City Chiefs iyo San Francisco 49ers, waxayna ka dhacday garoonka Hard Rock Stadium, oo ku yaalla magaalada Miami.

Maxay noqotay Natiijada?

.

Ciyaartoyda kooxda Kansas City Chiefs ayaa soo afjaray ayaar 50 sano ka heysatay dhinaca guulaha, waxayna guul cajiib ah kusoo hoyiyeen 31-20, iyagoo markii hore laga dhibco badnaa balse dib ka soo labakacleeyay.

San Francisco 49ers oo qeybihii hore ee ciyaarta aad u gacan sarreysay ayaa looga adkaaday ciyaartaas oo ahayd xilli ciyaareedkii 100-aad ee horyaalka NFL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here