Turkiga waxaa uu taageeraa maleeshiyaadka xagjirka ah ee Libya iyo Soomaaliya”

0
344

Wasiirka Arimaha Dibada Sacuudiga, Adel Al-Jubeir, wuxuu xaqiijiyay in Boqortooyada ay ka soo horjeeddo waxa uu ku tilmaamay duulaankii Turkiga ee Suuriya, iyo taageerada uu u fidiyay maleeshiyaadka xagjirka ah ee Libya iyo Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Turkiga uu kasoo horjeedo Xasililoonida dalalka Soomaaliya, Liibiya iyo Suuriya.

Al-Jubeir wuxuu ku sheegay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay booqashadiisa caasimada Romania, Bucharest in dowladdiisa ay si weyn uga soo horjeedo taageeradda Turkiga ee Soomaaliya oo uu leexiyay in ay taageertu Argagxiso.

“Waxaan ka soo horjeednaa galitaanka Turkiga ee Suuriya, waxaanan ka soo horjeednaa taageerada ay Turkigu siinayaan malleeyshiyaadka Soomaaliya, Syria iyo Libya”

Dowladda Sacuudiga ayaa  sheegtay in Turkiga uu doonaayo in uu xasilooni daro uu ka abuuro Caalamka, islamarkaana uu taageero u fidinaayo Maleeshiyaadka hubeysan ee dowladdaha kasoo horjeedda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here