‘Waxaan Gabadheyda U Helay Hab Aan Uga Qosliyo Marka Ay Nagu Soo Dhacayaan Madaafiicda’

0
352

Cabdullaahi Maxamed iyo qoyskiisa waxay ku nool yihiin meel ka mid ah gobolka Idlib, oo ah fariisinkii ugu dambeeyay ee xoogagga mucaaradka Suuriya, halkaasoo ay duqeymo joogto ah ka fuliyaan ciidamada dowladda, laakiin wuxuu la yimid fikir cajiib ah oo uu gabadhiisa uga badbaadiyo naxdinta uga imaan karta dhawaqa faryaanka madaafiicda.

Markii ay Salwa billowday inay ka argagaxdo dhawaaqa sare ee madaafiida, aabaheed wuxuu adeegsaday dhawaqa bulaleyrka ay carruurta ku ciyaaraan wakhtiga muaasabadaha ciidaha, kuwaasoo uu tusay gabadhiisa sida loo sameeyo, wuxuuna ka dhaadhiciyay in dhawaaqa aadka u weyn ee noocaas ahana uu yahay mid lagu qoslo.

“Labo sano ka hor, wakhtigii Ciidda, mar ay carruurta bulaleyr qeylo dheer rideen ayey ka naxday, durbadiiba waxaan usoo bixiyay bannaanka, mid ka mid ah carruurtii ayaana ka codsaday inuu horteeda mid ku qarxiyo. Kaddib wuu dhawaaqay qarixii bulaleyrka carruurtiina way wada qosleen, sidaas awgeed Salwa waxaan u sheegay inaysan ka cabsanin dhawaaqa noocaas”, ayuu Cabdullaahi.

Maxaa dhacay markii ay diyaaradaha duqeynta billaabeen?

. 

“Labo maalmood kaddib, diyaarad ayaa madaafiic ku garaacday magaalada, islamarkiiba intaan farxad u muujiyay ayaan u sheegay inaysan ahayn wax laga cabsado, waayo carruurtii ayaa bulaleyrka rideysa”, ayuu yiri.

Hase ahaatee marka uu habkaas isticmaali jiray wuxuu ahaa xilligii ay gabadhiisa aad u yareyd.

“Hadda wey weynaatay, wayna fahmeysaa diyaaradaha, gantaallada iyo wixii la midka ahba. Laakiin waxay aragtaa anigoo isxakameynaya oo qoslaya, iyaduna sidoo kale ayey isku xakameysaa, wayna qososhaa.

Cabdullaahi wuxuu sheegay inuu isku dayo inuu isdajiyo, iska dhigo qof faraxsan, oo uusan cabsi muujinin marka ay duqeymaha diyaaeadaha ku dhacayaan magaalada uu ku nool yahay, si markaas ay gabadhiisa yar u noqoto mid daggan oo sidoo kale faraxsan.

“Marka aan ogaado inay duqeymo dhici rabaan, waxaan soo qaataa telefoonkeyga, iyadana waan u yeeraa anigoo dhahaya kaalay aan sawirro iyo muuqaallo iska qaadnee. Sheekada oo dhan waxaan u baddalaa ciyaar, si aysan wax cabsi ah u dareemin”, ayuu yiri.

Qoyskan waxay magaalada Sarmada oo ka tirsan gobolka Idlib, kaddib markii ay gurigooda kasoo qaxeen.

. 

Qiyaastii 900,000 oo ruux ayaa ku barakacay weerarrada ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda Suuriya tan iyo 1-dii bishii December.

Dowladda Bashaar Al-Aasad, oo taageero ka heysata xulafadeeda Ruushka ayaa bilihii lasoo dhaafay magaalooyin badan ka cabsatay xoogagga fallaagada.

Ciidamada dowladda Turkiga ayaa ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Idlib ee hadda ay weerarrada ku socdaan.

In ka badan toban askari oo Turki ah ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay ku dhintay duqeymaha ciidamada dowladda Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here