Maxamuud Sayid: “Waxaan Ku Sugannahay Xadka Mandheera Iyo Beled Xaawo”

0
327

Tan iyo markii maalma kahor ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedka Jubaland ay ku dagaalameen magaalada Beld Xaawo ayaa waxaa la isweydiinaya halka ay ku sugan yihiin ciidanka Jubaland ee isaga soo baxay halkii ay ku sugnaayeen.

Madaxweyne Ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayiid oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in uu ku sugan yahay xadka u dhaxeeya labada waddan, gaar ahaan magaalooyinka xuduudda Mandheera iyo Beled Xaawo.

“Waxaan ku sugannahay xaduuda u dhaxeyso Mandheera iyo Beled Xaawo oo ah dhulka la yiraahdo No man’s land, waxaan kusoo boqday ciidanka dowlad goboleedka Jubaland o aaggaas joogaa”, ayuu yiri Maxamuud Sayid.

Wuxuu intaa raaciyay in ciidankii Jubaland ee dhawaan halkaas dagaal ku galay ay ka guureen xeradii ay markii hore deganaayeen, waxaana uu yiri: “waxaan u guurnay xero kale oo isla halkii ah maadaama kii hore uu ahaa goob ay deganaayeen dad rayid ah, kan hadda aan degannahayna waa mid goobaha shacabka ka fog oo haddii nala soo weeraro aan isku difaaci karno”.

Waxaa kale oo uu sheegay in khilaaf walba oo ku saleysan doorashada Jubaland ay ahayd in lagu xalliyo hab siyaasadeed, balse aanan ciidan lagu dabaqin.

Mar wax laga weydiiyay xiriirka kala dhaxeeya ciidanka Kenya ayuu sheegay inay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo keliya, waxaana uu beeniyay eedeyn uga timid dhanka kale ee Beled Xaawo oo sheegay in ciidanka Kenya ay gacan siiyeen xoogagga Jubaland.

BBC

Sababta ciidankooda ay uga dagaalamayeen dhanka Mandheera ayuu sheegay “in ciidanka Jubaland iyo ciidanka Soomaaliya ee jooga dhanka xuduudda uu ka dhaxeeyo iskaasho xagga farsamada, ayna tahay wax caadi ah oo muddo soo jiray”.

“Xoog iyo qori waxba kuma saxmayaan, xalka waxaa laga sugayaa cidda deegaankaas si khaldan ciidamo u keentay, ciidamadanna u jaheyso dagaalka Al Shabaab”.

Madaxtooyada Kenya ayaa maalin kahor soo saartay bayaan ay uga hadleyso xadgudub ay sheegtay inay Soomaaliya u geysatay dhulka Kenya iyo madaxbannaanideedaba.

War-saxaafadeedkan, oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee madaxtooyada Nairobi ayaa lagu sheegay in maanta oo Arbaco ah, 4, March,2020, uu dhacay kulan khaas ah oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaran ee Kenya, kaasoo uu shir guddoominayay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

NMG

Shirkan ayaa sida ay madaxtooyadu sheegtay lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin: Bayaan ay 5-tii bishii February soo saartay dowladda Soomaaliya; Eedeymo uu Kenya u jeediyay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Abuukar Daahir Cusmaan, xilli uu ku sugnaa magaalada New York, 27-kii bishii February, 2020-ka; Iyo weerar aan oggolaansho loo heysanin oo ay Dowladda Federaalka ku qaadday dhulka iyo madaxbannaanida Kenya, taariikhdu markii ay ahayd 2-dii bishan March, 2020-ka.

“Golaha Amniga Qaranka wuxuu muujiyay walaac ku aaddan xadgudubka ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya 2-dii bishan March, 2020-ka u geysteen dhulka iyo madaxbannaanida Kenya; halkaasoo ciidamada ajnabiga ah ay ku sameeyeen falal cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo heshiisyada kasoo horjeeda gardarrada iyo ficillada kale ee cadaawadda ah, iyagoo dhibaateeyay hantina ka burburiyay muwaadiniin reer Kenya ah oo ku nool magaalada xadka ku taalla ee Mandheera”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan.

Kenya ayaa sheegtay in aysan wax jawaab ah ka bixinin ficilladaas ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya, taas baddalkeedana “ay is xakameysay iyadoo eegeysa xiriirka soo jireenka ah ee dhaqanka iyo nabad ilaalinta ee u dhaxeeya labada dal”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here