Turkiga Oo Qaaday Tallaabo Uu Giriigga Uga Hor Istaagayo Dib Usoo Celinta Qaxootiga

0
297

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay ciidamo tiradoodu gaareyso 1,000 askari u direyso xadka ay la wadaagto Giriigga, si ay u hakiyaan howlgallada ay Giriigga dib ugu soo riixayaan qaxootiga ka gudbay dhinaca Turkiga.

Ankara ayaa hadda dooneysa inay ciidamadeedu hor istaagaan tallaabada ay ciidanka Giriigga dadka qaxootiga ah dib ugu soo celinayaan.

Kumannaan qaxooti ah oo aad u doonaya inay u tallaabaan Qaaradda Yurub ayaa wali ku sugan xadka u dhaxeeya labada waddan.

Ciidanka ilaalada xuduudda ee Giriigga ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsday si ay dadkan uga celiyaan inay dalkooda galaan.

Askarta dheeraadka ah ee Turkiga ayaa tagaya wabiga Meric ee ku yaalla xadka (oo luuqadda Giriigga lagu yiraahdo Evros), sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, Suleyman Soylu.

Midowga Yurub ayaa canbaareeyay tallaabada ay qaadday dowladda Turkiga.

 

.

Dowladda Giriigga ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay tan iyo maalintii Sabtida soo galitaanka sharci darrada ah ka hor istaageen 34,778 ruux, 244 qofna ay xireen.

Qaxooti u kala dhashay dalalka Suuriya, Afghanistan, Pakistan iyo Galbeedka Afrika ayaa ka mid ah dadka ku sugan xuduudda.

Midowga Yurub oo taageero u muujiyay Giriigga

Bayaan uu soo saaray Golaha Midowga Yurub – oo matalaya 27-ka waddan ee xubnaha ka ah – ayaa lagu yiri: “Goluhu wuxuu taageero iyo naxariis u muujinayaa Giriigga, wuxuuna si adag u cambaareynayaa tallaabada uu Turkiga Qaxootiga ugu adeegsanayo cadaadis dano siyaasadeed leh”.

Ku dhawad isbuuc ka hor ayey ahayd markii uu Turkiga ku dhawaaqay inuusan usii hoggaansami doonin heshiiskii xakameynta qaxootiga u tallaabaya Yurub ee la gaaray sanadkii 2016-kii, isagoo Midowga Yurub ku eedeeyay inay wax jawaab ah ka bixin waayeen qaxootiga kasoo qulqulaya waddanka ay dagaallada sokeeye ka socdaan ee Suuriya.

Turkiga ayaa hadda marti galiya 3.7 malyan oo Qaxooti reer Suuriya ah, ku dhawaad hal malyan oo kalena waxay ku sugan yihiin xadka dhinaca Konfureed ee uu la wadaago Suuriya, kaddib markii ay kasoo barakaceen dagaalka ka socda gobolka Idlib.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa magaalada Moscow kula kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isagoo dadaal cusub u sameynaya in xal loo raadiyo xasaradda Suuriya.

Ciidamada Turkiga ayaa gobolka Idlib kula dagaallamaya Kuwa dowladda Suuriya ee uu taageero Ruushka.

Dhinaca kale, Giriigga ayaa culeys badan kala kulmaya sidii uu u maareyn lahaa 20,000 oo qaxootiga magangalyo doon ah oo ku sugan jasiiradda Lesbos, kuwaasoo ku nool xeryo.

Presentational white space

Waxaa jirta cadaawad dhinaca gudaha ah oo abuurantaya kaddib markii uu billowday qulqulka cusub ee Qaxootiga.

Mr Soylu ayaa ciidamada Giriigga ku eedeeyay inay dhaawaceen 164 ruux oo ka mid ah dadka gaaray xadka.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in hal nin uu dhaawac aad u culus soo gaaray markii ay ciidamada Giriigga Arbacadii rasaas ku fureen dadka qaxootiga ah.

Dowladda Giriigga ayaa beenisay arrintaas, iyo eedeymo kale oo ku aaddanaa in 2 qof oo Suuriya u dhashay lagu dilay toogasho ka dhacday xadka.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Madaxweyne Erdogan ayaa ku dooday in go’aanka uu xadkiisa ku furay uu si buuxda u waafaqsan yahay sharciga caalamiga ah.

Saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa booqday aaggaas, waxayna ballan qaadeen inay Giriigga ku gacan siin doonaan sidii uu sare ugu qaadi lahaa amniga.

Madaxweynaha golaha Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa Giriigga ku qeexday inuu yahay “Gaashaanka Yurub”, iyadoo u adeegsatay erayga luuqadda Giriigga ee “aspida“.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here