Axmed Madoobe “Ciidamada Federaalka Haka Baxaan Gobolka Gedo”

0
395

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka Jubaland ayaa ugu baaqay ciidammada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay isaga baxaan gobolka Gedo.

Mar uu ka hadlayay xiisaddii gobolka Gedo ayuu sheegay in diyaaradihii tegi jiray degmooyinka Garbahaarrey, Baardheere, Doolow, Luuq iyo Buurdhuubo aysan haatan tagin, oo keliya ay tagto diyaarad ciidan sidda isagoo sababtana ku sheegay inaysan wax dan ah ugu jirin dowladda federaalka.

“Maanta waxay noqotay in boqollaal kun oo Beled Xaawo degganaa, ay kuleylkan Maarso lagu jiro intay barakacaan uusan qof walba garaneyn halka uu joogo, waa dhaxalka ay keentay dowladnimada Soomaaliya”

“Arrinta gobolka Gedo, shuruud la`aan dowladda federaalka haka baxdo, ciidankeeda haka qaaddo, haka baxdo, miiska wada hadallada aan isugu nimaadno”

Axmed Madoobe waxa uu dhanka kale dalalka deriska ah ugu baaqay inay joojiyaan faragelinta ay Soomaaliya ku hayaan isagoo si gaar ah u soo qaaday saraakiil uu sheegay inay Itoobiyaan yihiin.

Turkiga ayuu sheegay inay tahay in ciidammada ay Soomaaliya u soo tababareen ay ka joojiyaan sida khaldan ee loo isticmaalaayo. Qadar ayuu iyadana ugu baaqay inay joojiso lacag uu sheegay inay siiso dawladda federaalka.

“Turkiga goormaan collownay oo Soomaali ciidamada uu u tababarayo ay noqdeen kuwa dadka lagu laynayo? Ama Haramcad dheh, ama Shabeel dheh ama bahal kale ugu yeer. Waxaa la leeyahay ciidamada uu Turkigu soo tababaray ee loogu talo galay inay Alshabaab la dagaallamaan ayaa waxay noqdeen kuwa maanta inta Beled Xaawo iyo Doolow la keeno shacabka lagu gumaadayo”

“Waxaan oran lahaa dowladda Soomaaliya wax lagu aamini kara maanta ma jirtee, hawadiinna ced kale oo noo haysa haloo dhiibo, ciidamadan la soo tabobarayana, Qadarey lacagta aad bixineyso naga daa ee waddanka dhibaatada ku ah, Turkina waxaad tabobareyso jooji oo taariikhda Soomaaliya geli doonta.” Ayuu yiri.

Axmed Madoobe ayaa dhanka kale u mahad celiyay dowladaha caalamka ee dhanka ciidanka ka taageera Soomaaliya, gaar ahaanna AMISOM, wuxuuse ugu baaqay dowladahaas inay ilaaliyaan sharciga iyo sababta ay dalka u joogaan oo aysan sameyn faragelin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here