Turkiga Oo Muhaajiriinta Ka Hor Istaagaya Inay Dhanka Badda Ka Galaan Giriigga

0
275

Turkiga ayaana u oggolaan doonin muhaajiriinta inay maraan bada Aegean si ay ugu gudbaan Giriigga, sababo la xiriira inaysan ammaan ahayn, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha.

Amarkan oo ka soo baxay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa imaanaya toddobaad kaddib markii uu sheegay inuu “albaabbada u furayo” qaxootiga si ay u galaan Yurub, iyadoo ay taagan tahay xiisadda Suuriya.

Midowga Yurub ayaa Erdogan ku eedeeyay inuu qaxootiga u isticmaalayo dano siyaasadeed. Waxay midowga Yurub ku adkeysanayaan in xudduudahoodu ay xiran yihiin.

Dhanka kale, isku dhacyo ayaa mar kale ka soo cusboonaaday xadka.

Waxaa muuqata inaysan waxba iska beddelin oggolaashaha uu Tukrigu u oggolaaday qaxootiga inay hdulka maraan si ay u galaan Giriigga.

Booliiska Giriigga ayaa maanta gaaska dadka ka ilmeysiiya u adeegsaday dad dhoobnaa xadka, kuwaasoo iyagana ku jawaabay dhagaxaan iyagoo ku qeylinayay “fur albaabbada”.

Xukuumadda Giriigga ayaa sidoo kale booliiska Turkiga ku eedeysay inay gaaska dadka ka ilmeysiiya ku fureen booliiskooda.

Sidee ayuu xaalku markii hore ahaa?

Sanadkii 2016, waxaa la gaaray heshiis uu Turkigu ku oggolaanayo inuu joojiyo in muhaajiriinta uu u oggolaado inay galaan Yurub, taas beddelkeedana loogu deeqo qarash uu ku maamulo qaxootiga faraha badan ee dalkiisa ku sugan.

Balse tan iyo markaas, xiisadaha u dhaxeeya Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa cirka isku shareeyay iyagoo arrimo dhowr ah isku haya. Toddobaadyadii lasoo dhaafay isku dhac ayaa ciidamada Suuriya oo taageero ka haysta kuwa Ruushka iyo Turkiga oo kooxaha mucaaradka qaarkood taageera ku dhex maray Idlib, oo ah gobolkii ugu dambeeyay ee ay gacanta ku hayaan mucaaradka Suuriya.

Turkey wuxuu haatan martigeliyaa 3.7m Suuriyaan ah balse dagaalka Idlib ayaa horseeday inay malaayiin kale ku soo qaxaan xadkiisa koofureed.

Inkastoo Midowga Yurub uu ballan qaaday gargaar dheeraad ah, haddana Turkiga ayaa toddobaadkii hore go`aansaday inuu xadkiisa u furo muhaajiriinta si ay u galaan Giriigga.

Giriigga ayaa sheegay in Turkiga uu ku daneysanayo muhaajiirinta isagoo u adeegsanaya arrimo siyaasadeed.

Presentational white space

Wuxuu muddo bil ah joojiyay dhammaan codsiyada magan-galyo doonka ah ee muhaajiriinta sida sharci darrada ah ku galay Giriigga, wuxuuna qaaday tallaabooyin adag oo lagu joojinayo inay muhaajiriinta dalkaasi kasoo galaan dhulka iyo badda.

Saakay, in ka badan 1,200 muhaajiriin ah ayaa isku dayay inay ka gudbaan xadka dhanka dhulka, badankood waxay ka soo jeedaan dalalka Afghanistan iyo Pakistan.

Madaxa arrimaha siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa u sheegay qaxootiga “inay ka fogaadaan gelitaanka albaab xiran”.

Waa sidee xaaladda badda Aegean?

Doomaha ilaalada xeebaha ee Giriigga ayaa maalmihii la soo dhaafay la arkayay iyagoo doomaha muhaajiriinta dib u riixaya.

Ilaalada xeebaha Turkiga ayaa sheegay inay Khamiistii soo badbaadiyeen 97 muhaajiriin ah oo badda ku sugnaa, iyagoo Giriigga ku eedeynaya inay saddex doonyood burburiyeen.

Waxay sheegeen in iyagoo raacaya amarka kasoo baxay madaxweyne Erdogan ay muhaajiriinta ka joojin doonaan inay badda ku safraan iyadoo sababtu ay tahay inay khatar badan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here