Corona Virus: Maxaa Ka Jira In Filimkan Uu Sii Saadaaliyay Caabuqan?

0
388

Tan iyo markii uu soo shaac baxay caabuqa Corona ayaa waxaa si weyn ay sare ugu kacday daawashada filim la sameeyay 2011, kaasoo ka hadlaya cudur aan la aqoon oo ka soo bilowday Shiinaha.

Filimka oo lagu magacaabo Contagion ayaa qaabab badan u shabaha xaaladda rasmiga ah ee maanta taagan iyo qaabka uu u faafayo xanuunka.

In kastoo ay jileen shkahsiyaad filimaanta Maraykanka caan ku ah sida Matt Damon, Jude Law, Gwyneth Paltrow, Kate Winslet iyo Michael Douglas, ayaa haddana xilliga uu soo baxay uusan filimkaasi gaarin halkii laga filayay.

Hase yeeshee Contagion ayaa hadda kamid noqday kuwa loogu daawasho badan yahay gudaha Maraykanka, waxaana dad badan ay Google ka raadiyeen magaciisa.

Warner Bros. – oo ah istuudiyaha soo saaray filimka – ayaa sheegay in bishii December uu kaalinta 270-aad uga jiray filimaanta caanka ah, halka uu hadda soo gaaray kaalinta 9-aad.

Sababta uu sidaa ugu soo caan-baxay ayaa lagu sheegay inay tahay sida uu filimka ugu muuqdo mid saadaaliyay caabuqa Corona in kastoo la sameeyay ku dhawaad toban sano ka hor.

Filimka

Sida lagu jilay, haweeney ganacsato ah ayaa u dhimatay xanuun aan la aqoon kadib markii ay u safartay dalka Shiinaha, waxaana ka dhashay xaalad degdeg ah oo saamaysay caalamka oo dhan.

Matt Damon iyo Gwyneth Paltrow

Waxaa filimka xiiso gaar ah u yeelay gabadha ku matelaysay haweeneyda ganacsatada ah, Gwyneth Paltrow, oo 26-kii February baraheeda bulshada soo dhigtay sawir iyadoo uu afka u duuban yahay.

“Horay ayaan uga qeyb qaatay filimkan. Badqabkiina ka shaqeeya. Gacmaha ha isku salaamina. Si joogta ahna gacmaha u dhaqda,” ayay tiri atirishaddan oo ay malaayiin qof ku taxan yihiin baraheeda bulshada.

Khariidadda Caabuqa Corona: sida uu ugu faafay caalamka 11 Bisha Saddexaad 2020

Khariidadda waxay ku saleysan tahay xogta WHO iyo sawirro waxaana laga yaabaa inaysan muujinin macluumaadkii ugu dambeeyay ee waddan kasta.

Tirada guud ee la xaqiijiyay Tirada guud ee dhimashada
117,134 4,131
Kiisaska Dhimashada
China 80,879 3,023
Italy 10,149 631
Iran 8,042 291
Kuuriyada Koonfureed 7,513 54
France 1,784 33
Germany 1,457 2
Spain 1,024 35
Team USA 972 19
Markabka Diamond Princess 696 7
Japan 514 9
Norway 400
Kooxda GB 382 6
Switzerland 332 2
Netherlands 321 3
Sweden 248
Belgium 239
Singapore 160
Denmark 156
Austria 131
Malaysia 117
Bahrain 109
Australia 92 3
Greece 89
Canada 77
Kuwait 65
Iraq 61 6
United Arab Emirates 59
Masar 59 1
Iceland 55
Thailand 53 1
San Marino 49 2
Chinese Taipei 45 1
India 44
Lebanon 41
Finland 40
Israel 39
Jamhuuriyadda Czech 38
Philippines 33 1
Vietnam 31
Portugal 30
Indonesia 27
Daanta Galbeed 26
Brazil 25
Ireland 24
Slovenia 23
Algeria 20
Cumaan 18
Qatar 18
Romaniya 17
Pakistan 16
Poland 16
Ecuador 15
Georgia 15
Saudiyya 15
Chile 13
Croatia 12
Hungary 12
Argentina 12 1
Estonia 10
Azerbaijan 9
Peru 9
Belarus 9
Costa Rica 9
Latvia 8
Jamhuuriyadda hore ee Yugoslav ee Makedoniya 7
Mexico 7
Slovakia 7
Koonfur Africa 7
Russian Federation 7
Albania 6
Maldives 6
French Guiana 5
Luxembourg 5
New Zealand 5
Dominican Republic 5
Bulgaria 4
Senegal 4
Afghanistan 4
Malta 4
Bangladesh 3
Cambodia 3
Colombia 3
Cameroon 2
Faroe Islands 2
Martinique 2
Morocco 2
Nigeria 2
Saint Martin (Qaybta Faransiiska) 2
Tunisia 2
Qubrus 2
Bosnia and Herzegovina 2
Moldova 1
Armenia 1
Andorra 1
Vatican 1
Jordan 1
Liechtenstein 1
Lithuania 1
Monaco 1
Nepal 1
Paraguay 1
Bhutan 1
Saint Barthélemy 1
Serbia 1
Sri Lanka 1
Togo 1
Ukraine 1
Guernsey 1
Panama 1
Mongolia 1
Brunei Darussalam 1
Gibraltar 1

Xigasho: Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wararkii ugu dambeeyay ee 11/3/2020 3:50:00 sn. GMT+3.

Isu ekaanshaha

Filimka Contagion iyo caabuqa Corona ee hadda faraha ba’an ku haya caalamka ayaa dhinacyo badan isaga eg.

Haweeneyda ganacsatada ah ayaa cudurka oo lagu magacaabo MEV-1 waxa ay qaaday kadib markii uu gacanta ku salaamay cunno kariye ku sugan Hong Kong, kaasoo diyaariyay hilibka doofaar caabuqa ay u gudbisay fiid-meer.

Maraykanka ay dib ugu soo laabatay, waxaana xanuun daran kadib uu cudurka galaaftay iyada iyo wiilkeeda, balse waxaa ka badbaaday oo uu kari waayay seygeeda oo uu jilayay Matt Damon.

Khubarada caafimaadka ayaa rumaysay in caabuqa Corona uu ka yimid xayawaanka kana bilowday magaalada Wuhan bishii December 2019.

Waxaa sidoo kale la rumaysan yahay in caabuqa hadda jira uu ka soo bilowday fiid-meerta si lamid ah xanuunkii Sars ee saf-marka noqday sanadihii 2002 iyo 2003.

Si lamid ah caabuqa Corona ayaa kan filimka lagu dhigayo waxa uu ku faafaa taabashada bani’aadanka iyo walxaha uu saameeyay.

Caabuqa Filimka lagu jilay iyo xanuunka dhabta ah waxay ka siman yihiin inay bani’aadanka uga dhacaan neef-mareenka.

Arinta ay ku kala duwan yihiin ayaa ah in caabuqa filimka lagu dhigay ay caalamka oo dhan ugu “dhimanayaan” 26 milyan oo qof muddo bil gudaheed ah. Hase yeeshee saddex bilood oo uu faafayay Corona ayaa ilaa hadda waxaa u dhintay 4,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here