“Doorasho 2020 Inoo Qabsoontaa Waxay So Celinaysaa Kalsoonidii Beesha Caalamka”

0
326

 

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur),oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay Dimuqraadiyada Somaliland ka jirta, waxaanu tilmaamay in kalsoonidii ay Beesha Caalamku ku qabeen Somaliland ay dib u soo laabanayso haddii sannadkan ay Doorasho ka dhacdo dalka, waxaanu ka digay in Doorashooyinku dib u dhac dambe ay ku yimadaan.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Si kasta oo aynu inagu isku hayno, iyo khilaaf kasta oo dhexdeena ka dhaca waxaa inagu waajib ah oo inala gudboon inaynu ka heshiino, arrimaha guddaheena ka jira ee aynu isku qabano, waxaa inagaga daran weerarka, dayacaadaha iyo cadaadiska inagaga socda dibadda, ee si kasta oo aynu isku hayno iyo culays kasta oo inagu yimaada, iyo wax ka bedel kasta oo lagu sameeyo nidaamka ay Doorashooyinkeenu u dhici jireen, waxaa inaga doonaya inay wax walba ka heshiino, imika qaabkii ay Doorashooyinkeenu u dhici jireen is bedel baa ku yimid oo laba Komishan, xubno ajaanib ah, iyo xubno kale ayaa soo galay, oo iska kaashanaya, sidaas darteed culays kasta oo inagu yimaada waa inaynu ku dadaalna inay Doorashadu inoogu dhacdo 2020, Doorasho inoo dhacda 2020 waxay meesha ka saaraysa dayacadaha inagu socda, waxayna dib u soo celinaysaa kalsoonida Beesha Caalamka ee meesha ka sii baxaysa, haddii Doorashooyinku inoogu dhici waayaan 2020, waa in xooga la saara sidii loo qaban lahaa hortaanta 2021”.

Mar uu ka hadlaayey Xisbiyada ayaa yidhi “Doorashooyin xor iyo xalaal oo inoo dhaca ayeynu u baahan nahay, Xisbiyadana in si cadaaladi ku jirto in loogu xaq saaro ayaanu rabnaa, haddii aanu nahay Xisbiga Waddani-na, hore waxaanu u muujinay dareekayaga ku saabsan in ururadii dib loo furo, sidaas darteed anagu Xisbi ahaan Doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhaca ayaanu diyaar u nahay, in aanu galno

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here