Axmaqnimo Miyaa Mise Waa Macaash Doon?

0
403

Waa Musiibo Dhanka Eebe Uga Timi Iyo Imtixaan Adoomihiisa Xanuunkan Carona Virus Waana Xikmad Rabaani Ah ,Balse Waxaa Ceeb Ah In Dhakhaatiirta Iyo Ganacsatadu Ay Ku Taagsato Shacabkeeda Taagta Daran .
Ka Hortaga Ay Dawladeena Iyo Waaxaha Caafimaadku Inoo Sheegeen Waa In Face Masks Ka Iyo Gacmaha Oo Si Wacan Loo Dhaqaa Ay Tahay Taxadarka Ugu Wanaagsan .

Waxaa Ceeb Iyo Waxaan Loo Dulqaadan Karin Ah In Ganacsatada Iyo Dhakhaatiirta Agabkaa Keenta Ay Shan Jibaareen Oo Qaliyeeyen Markii Ay Arkeen Baahiyaha Dadkooda ,Maan Diidin Inuu Bariiskiisa Ka Radsado Balse Waxaan Ka Argagaxay Ku Tiiq Tiiqsiga An Geed Ku Gabasho Lahayn , Waar Dadku Miyaanay Ahayn Kuwii Ad Shalay Wax Ka Ibinayseen ,Se Miyaydaan Cuqubo Iyo In Idinka Cadho Ilahay Idkinku Dhacdo Ka Baqayn
“Ilahay Wuxuu Yidhi Umadaydaay Isu Naxariista Ana Waan Waan Idiin Naxriisane”

Kuma Fogaanayo Dhuuniga Meelkasta Inaga Galay Ee Waxaan Baaq Udirayaa In Shacabka Soomaliland Ay Foojignaan Badan Muujiyaan Oo Qofkasta Halkiisa Ku Difaaco Caafimaadka Dalkiisa Iyo Dadkiisa Warbaahin,Ururo ,Waxaaha Caafimaadka,Dhalinyarada Iyo Dhamaan Madax Iyo Mamulba

W/Q=Shaybe Cumar Cismaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here