Jeelasha Mareykanka Oo Laga Sii Dayn Doono Maxaabiista Si Loo Xakameeyo Cudurka Covid-19

0
374

Xabsiyada Mareykanka ayda waxa ay sii daynayaan maxaabiista xilli kiisaska cudur-sidaha corona laga soo tabinayo xabsiyada.

Magaalada New York ayaa waxa ay sii daynaysaa maxaabiista “nugul”, maayirka ayaa Arbacadii sidaas sheegay, maalmo un kaddib markii Los Angeles iyo Cleveland ay sii daayeen boqollaal maxaabiis ah.

Koox u dolda in wax laga badelo xabsiyada ayaa sheegtay in dadka xabsiyada ku jira ay halis wayn ugu jiraan inay qaadaan oo ay sii faafiyaan cudurka Covid-19.

Ilaa iyo hadda waddanka Mareykanka waxaa laga soo tabiyay in ka badan 9,400 oo kiis halka ay cudurkaasi u dhinteen 152 qof, sida lagu sheegay qiyaaso la sameeyay.

Caalamka oo dhan ku dhawaad 220,000 oo kiis ayaa la xaqiijiyay, dhimashaduna waxa ay maraysaa 8,800.

Cudurka ka dilaacay Jasiiradda Rikers

Maayirka magaalada New York Bill de Blasio ayaa Arbacadii shheegay in saraakiisha magaalada ay todobaadkan ay soo xuli doonaan shakhsiyaadka la sii dayn doono, oo ay ku jiraan dadka loo soo xiray dambiyada yaryar iyo dadka aadka ugu nugul caabuqa dhibaatooyin caafimaad oo ay qabaan awadeed.

Ku dhawaaqistiisa ayaa waxa ay imanaysaa saacado un kiddie markii askari ilaalo ka ahaa xabsiga jasiiradda Rikers iyo maxbuus laga helay cudurka coronavirus, halkaas oo ah goobta ku xiran yahay ninka caanka ah ee 68-jirka ah ee hore u soo saari jiray filimaanta Hollywood-ka Harvey Weinstein.

Weinstein ayaa waxaa la gayn doonaa xabsi kale oo gobolkaasi ku yaal, sarkaal ayaa sidaasi sheegay Arbacadii.

Xabsiyada kale ee New York sida Sing Sing ayaa maxaabiis ku jirta waxaa laga helay cudurka coronavirus iyadoo qof ka tirsanaa waaxda dhaqancelinta gobolka uu cudurkaasi u dhintay.

Maxay sameeyeen maamullada kale ee Mareykanka?

Madaxa booliska ee deegaanka Los Angeles ayaa waxa uu yareeyay tirada maxaabiista oo uu labadii todobaad ee ugu dambeesay uu ka dhimay 600 oo maxbuus, saraakiisha ayaa Talaadadii sidaasi sheegay.

“Dadka ku jira xabsiyadeenna sidoodaba waa ay nugul yihiin iyo goobaha ay ku sugan yihiin, marka waa inaan dadkaas ka ilaalinaa cudurka,” madaxa booliska Los Angeles Alex Villanueva ayaa bilowgii todobaadka u sheegay weriyayaasha.

Hannaanka jeelasha deegaanka Los Angeles ayaa ah midka ugu ballaaran ee xabsiyada dunida oo waxa ay hoy u yihiin celcelis dhan 22,000 oo maxbuus.

Mr Villaneuva ayaa sidoo kale qeexay in ay hoos u dhacday dadka deegaankaas laga soo xiro, taas oo celcelis ahaan todobaadkii aheyd 300 haatanna la soo xiray 60 qof oo kaliya.

Deegaanka Cuyahoga, ee gobolka Ohio, halkaas oo ku taal magaalada Cleveland, ayaa waxaa lagu sii daayay boqollaal maxaabiis ah sababo la xiriira cudurka coronavirus awadii.

Xaakimiinta ayaa qabtay dhageysi degdeg ah oo socday dabayaaqada todobaadkii tegay si ay uga shaqeeyaan codsi ah in dadka la sii daayo iyo heshiisyo kale oo maxaabiista u ogolaanaya in xabsiyada waqti hore laga sii daayo.

Dhowr gobo loo ay ku jiraan New York iyo California ayaa haatan waxa ay mamnuuceen in maxaabiista la soo booqdo. Mamnuucis taas oo kale ah oo loogaga dhawaaqay waddanka Talyaaniga ayaa waxa ay horseedday qulqulato todobaadkii hore halkaas ka dhacday.

Hay’adaha federaalka ayaa waxa ay joojiyeen inta badan soo xirista iyo musaafurinta inta ay socoto dhibaatada cudurka coronavirus.

The president criticised the media's coverage of his decision to ban those coming to the US from China.

Maxay tahay halista ay wajahayaan maxaabiista?

Kooxaha u ololeeya in isbadel la sameeyo ayaa sheegay in maxaabiista ay wajahaan halis gaar ah, maadaama aanay wanaagsanayn nadaafadda goobaha ay ku jiraan misana ay aad u buuxdhaafsamaan.

Dad gacmaha ka xiran afka ma duuban karaan markii ay qufacaan ama hindhisoodaan, meelaha gacmaha lagu dhaqdana badanaa saabuun ma lahan iyo waxyaabaha kale ee gacmaha lagu nadiifiyo taas oo loo sameeyay in aanay maxaabiistu qaab kale u isticmaalin aalkolada ku jirto.

Iiraan ayaa waxa ay sii daysay 85,000 oo qof oo ay ku jiraan maxaabiis siyaasadeed si ay ula dagaalanto cudurka safmarka ah.

Mareykanka ayaa ah dalka ugu badan ee xira muwaadiniintiisa, oo waxaa xabsiyada federaalka, gobollada iyo deegaannada ku jira qiyaastii 2.3 milyan oo qof.

Shakhsiyaad caan ah oo lagu diray xukunno kala duwan ayaa waxa ay codsadeen in cabsida coronavirus awadii xabsiga laga sii daayo.

Dadkaas waxaa ka mid ah qareenkii hore ee Madaxweyne Donald Trump, Michael Cohen, oo 53-jir ah, ninka dhaqaalaha badan lunsaday Bernie Madoff, oo 81-jir ah, iyo Gilberto Rodriguez-Ore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here