Rag Loo Daldalay Kufsi Iyo Dil Ka Dhacay Dalka India

0
308

Afar nin oo dalka India loo haystay kufsiga iyo dilka gabar 23 jir ahayd oo sanadkii 2012 ka dhacay gudaha magaalada Delhi ayaa xalay la daldalay ka dib markii toddobo sano ka hor maxkamadi ku xukuntay dil.

Afartani nin oo kala ah Akshay Thakur, Vinay Sharma, Pawan Gupta iyo Mukesh Singh ayaa sanadkii 2013 lagu xukumay dil. Balse xalay ayaa lagu daldalay gudaha xabsiga Tihar.

Dilka nimankani ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ka dhaca dalkaasi India tan iyo sanadkii 2015.

 

india

Gabadha ay raggani kufsaden ka dibna ay dileen ayaa ahayd arday, waxayna u dhimatay dhaawac soo gaaray ka dib markii ay lix nin ku dhex kufsadeen bas gudihiisa.

Dhacdadaasi ayaa waxaa ka dhashay caro xoog leh iyo in markii dambe la dhaqan geliyo sharci adag oo ka dhan ah kufsiga.

Mid ka mid ah lixdii nin ee loo soo xiray dhacdadaasi ayaa sanadkii 2013 isku dhex dilay xabsiga halka mid hale oo 17 sano jir ahaa xabsiga laga sii daayay sanadkii 2015 ka dib markii uu xabsiga ku jiray muddo saddex sano ah.

Bilihii la soo dhaafay ayaa afarta nin ee haatan la daldalay waxa ay racfaan ka qaateen xukunkaasi balse maxkamadda sare ayaa ku gacan seyrtay racfaankooga.

Sidoo kale racfaan kale oo ahaa in aan la daldalin ayaa laga diiday, sidaa ayaana xalay lagu daldalay.

Markii raggan la dilay ka dib ayaa hooyada dhashay gabadhii ay kufsadeen ka dibna ay dileen waxa ay sheegtay in ay hab siisay sawirka gabadheeda oo ay u sheegtay in haatan ay caddaalad heshay.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay agagaarka xabsigaasi, waxaana halkaasi la geeyay tiro ciidamada booliska ka tirsan iyo kuwa sida milatariga u tababaran si ay nidaamka iyo kala dambeynta u ilaaliyaan.

Waxaa bannaanka xabsigaasi isugu soo baxay koox boodhadh sidatay oo dabbaaldeg billaabay ka dib markii raggan la daldalay.

Horraantii bishii Maajo ee sanadkii 2018 ayaa maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi India ayaa amartay in maxkamadeynta siddeed nin oo lagu eedeeyay in ay kufsi iyo dil u geysteen gabar siddeed sano jir ahayd laga wareejiyo gobolka Jammu iyo Kashmir loona wareejiyo gobolka deriska la ah ee Punjab.

Sida uu kufsigu u dhacay iyo wixii laga damacsanaa ayaa ahaa wixii ka yaabay dadka Hindiya.

Booliiska ayaa sheegay in gabadhan siddeed sano jirka ahayd oo ka soo jeedda qoys Muslim ah oo reer miyi ah, ay kufsadeen, oo dhulka ay ku jiideen kaddibna ay dileen koox Hinduu ah oo doonayay in qabiilka gabadhaasi ay ka soo jeeddo ay ka guuraan dhulkooda.

Siddeed nin oo dhamaantood Hindu ah ayaa ilaa iyo haatan loo xiray falkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here