Coronavirus Oo Sababay In Ay Korodho Xatooyada Internet Ku Iyo Digniino Laga Soo Saaray

0
346

Laanta la dagaalanka dembiyada ee gobalka Niedersachsen ee dalka Jarmalka ayaa muwaadiniinta uga digay tuug soo shaacbaxday intii uu soo baxay xanuunka Coronavirus oo ganacsato iska dhigaya.

Tuugtan oo ka faa’iidaysanaya guriga joogga lagu soo rogay dadweynaha adduunka, ayaa iyaga oo sheeganaya in ay yihiin suuq internet ka wax ku iibinaya waxa ay faafinayaan xayeysiisyo ay dadka ugu sheegayaan in ay badeecado kala duwan iib u hayaan, isla markaana diyaar u yihiin in qofka iibsada ay gurigiisa ugu keenaan.

Catherine Gladitz oo ah afhayeenka laanta la dagaalanka dembiyada ayaa wargeyska Braunschweiger u sheegtay in ay dabagal ku wadaan tuugta qaabkan u shaqaysata, gaar ahaan suuq dhowaan ku andacoonayey in uu internetka ku iibinayo marada afka iyo sanka lagaga daboolo iska ilaalinta xanuunka Coronavirus.

Suuqyadaas ayaa la sheegayaa in qofka la xidhiidha ay ka dalbanayaan in uu lacagta adeegga ama iibka soo diraan, kaddibna ay sidaas lacagta ku qaadanayaan.

Waxa kale oo ay Catherine Gladitz ka digtay kooxo kale oo iyaguna iska dhigaya bilayska ama laanta sirdoonka. Kuwaas oo inta ay dadka la soo xidhiidhaan ku amraya in ay bixiyaan saambal shaybaadh oo qasab ah, haddii kale karantiin la geynayo. Kooxahan bilayska iyo gurmadka caafimaadka iska dhigayaan ayaa la sheegay in ay guryaha gelayaan kaddibna dhacayaan ama xadayaan. Gladitz waxa ay intaas ku dartay in bilayska iyo shaqaalaha caafimaadka ee runta ahi ay sitaan aqoonsiyo ay tahay in qofka ay tusaan.

Dhinaca kalana bilayska dalka Guatemala ayaa ayaa sheegay in uu xabsiga u taxaabay nin sheeganaya in uu yahay dhakhtar iibinaya dawo lagu daweynayo Karoona-Fayraska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here