Duruufaha Nololeed Ee Bulshada Oo Caqabad Ku Noqday Awaamiirtii Dawladda

0
385

Shacabka Reer Somaliland, gaar ahaan kuwo ku nool Magaalooyinka waaweyn ee Dalka ayaa u muuqda in aanay ku baraarugsanayn Khatarta Xanuunka Dunida Faraha Baas ku haya ee Covid_19, inkasta oo ay jiraan duruufo nololeed oo khasbayaa.

Toddobaadyadii u dambeeyay oo dhan waxa Warbaahinta Dalka, Telefiishannada, Idaacadaha, Wargeysyada iyo Warbaahinta Bulshada ee Internet-ka ka socday Wacyi-gelin Dadweynaha loogu sheegayo khatarta Fayraska Corona ee dhaliya Xanuunka Covid_19.

Warbaahinta oo soo xiganaysa Guddiga Qaran ee u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Coronavirus ee Somaliland iyo Bahda Caafimaadka ayaa Dadweynaha ku waaniyey inay ka digtoonaadaan Coronavirus oo ay yareeyaan goobihii la isugu yimaaddo, sida Meheradaha Shaaha laga cabbo, goobaha lagu qayilo iyo goob kasta oo Dad ku kulmi karaan, laakiin Dadweynaha ayaan dheg-jalaq u siin farrimahaasi, meheradahana wax badan iskama beddelin sidii ay ahaan jireen.

Hargeysa

Hargeysa oo ah Caasimadda Somaliland, ahna Xarunta Guddiga Qaran ee ka hor-tagga Coronavirus ayaa ka mid ah Magaalooyinka aanay Dadweynuhu dheg-jalaq u siin wacyi-gelinta.

WargeyskaGeeska Afrikaoo u dhabbo-galaya Sababta ugu weyn ee keenaysa in Dadweynuhu qaadan waayaan Talooyinka bahda Caafimaadka ee ah in aanay isku soo ururin, si Xanuunku aanu u faafin, ayaa waraystay Dadweynaha qaarkood, gaar ahaan kuwa yimaadda Maqaaxiyaha.

Nin ka mid ah Dadkaasi oo Wargeyska waydiiyey waxa uu ugu dhaqmi waayay Talooyinka Caafimaad ee ka dhanka Coronavirus ayaa sheegay inuu Ilaahay aaminsan yihiin oo aanu ku dhacayn “Waxba Xanuunku nagu dhici maayo, Ilaahay baa jira..” ayuu yidhi, mid ka mid ah Dadweynaha sida Maalin laha ah u fadhiista Maqaaxiyaha laga shaaheeyo oo la hadlay Geeska Afrika.

Muwaadinkan oo la waydiiyey sababta uu maqaaxiyaha u imanayo, maaddaama oo aanu shaqo muuqata ka haynin ayaa ku jawaabay “Inaadeer, wax shaqo ah ma hayo, Suuqa ayaan dhex rooraa si aan nolol maalmeedka uga helo..”ayuu yidhi, laakiin wuxuu Ninkani uu garowshiiyo ka bixiyey inay wanaagsan tahay in Qofku ka digtoonaado khatarta jirta, haddana wuxuu dooddiisa ku adkeeyay in loo baahan yahay wax guryaha lagu joogo.

Guddiga

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah Guddoomiyaha Guddiga ka hor-tagga Coronavirus oo Toddobaadkan ka hadlayey kulan ay la yeesheen Ururrada bulshada Rayidka ah ayaa soo sheegay haddii Bulshada Guryaha lagu xereeyo ay u baahanayaan waxay Raashin iyo wax ay Guryaha ku joogaan “Dadkeenu 50% waa Dad ku nool Yoomiyaha, qofkii noocaas ahaa marka la xereeyo wuxuu inooga baahanayaa dhaqaale iyo cunto uu cuno.”ayuu yidhi, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan-Saylici oo hadlay Toddobaadkan horraantiisii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here