Xabad Roodhi Ah Ma U Gli Lahayd Safar 350 Kiiloo Mitir Ah?

0
436

Nin yaa ganaax ladul dhigay kaddib markii la qabtay isagoo gaari ku wada xawaare dhan 110mph, wuxuuna booliska u sheegay inuu magaalada London u aaday si uu rooti usoo iibsado.

Askartu waxay gaariga ninkan istaajiyeen habeenimadii Axada, abaare 22:40 BST, xilli uu u socday magaalada Nottingham.

Waxay ciidanka sheegeen in gaariga ay la saarnaayeen labo carruur ah oo yar yar.

Wuxuu ku andacooday in rootiga London uu £1 ka raqiisan yahay rootiga lagu iibiyo magaalada uu daggan yahay.

Booliska laanta Leicestershire waxay sheegeen in ninkan lagu riday ganaax labo nooc ah, loona diray maxkamadPresentational white space

Masaafaha u dhaxeeya magaalooyinka Nottingham iyo London waa 120 meyl, marka sii socod iyo soo socod la isku darana wuxuu gaarayaa in ka badan 380 kiiloo mitir.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ninkan lagu qabtay isgoyska 22-aad ee Leicestershire.

Waxay intaas ku dareen in ninka la siiyay warqad gaxaan ah oo ku saabsan xawaaraha xad-dhaafka ah ee uu gaariga ku waday.

Garsoorka maxkamadda ayaa go’aan ka gaari doona xaddiga uu la ekaan doono ganaaxa laga doonayo.

Nooca labaad ee ganaaxa wuxuu ku saabsan yahay inuu socday waqti ay mamnuuc tahay in bannaanka loosoo baxo, maadaama lasoo rogay xayiraadda uu sababay coronavirus.

£60 oo ganaax ah ayaa la dul dhigayaa qofka jabiya xeerkaas oo dhaqan galay bishii lasoo dhaafay.

Ujeeddada waxay tahay in la ciqaabo qof kasta oo ka madax adeyga bandowga.

Picture of a stretch of the M1 near Nottingham - taken on 29 March

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here